Qoraal (Written)

  Cankabuud

  W a c d i

  Luukaansi

  Abaaldhac

  Silsilad

  Khatumo

  Sheedaad

  Seben

  Fircoon

  Mine

  G u b a

  Gooshaash

  Digniin

  Fly duula

  Godob

  Wegen-xile

  Colka Jooja

  Rer Maxamed

  Dekeeya

  B a a n e

  Cawo Dhoble

   D h o o b l e

  More

 
     
 
Maqal (Audio)

  M i n e

  M i n e

  Digniin

  Wacdi

  Cankabud

  Dahabo

  Luukaansi

  Abaaldhac

  S i l s i l a d

  Gooshaash

  B a a n e

  Dhooble

  Colka-Jooja

  Cawo Dhooble

  Godob

  Wegen Xile

  Haadaaqsi

  Qisadii Qarad

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Salaan Max'd M. Xirsi "S. Carrabey"

 

 
 

  Habar Jeclo

D E K E E Y A

 
Gabaygan soo socda wuxu Salaan u tiriyey Dekeeya oo ahayd xaaskiisii labaad oo uu isagoo da' ah guursaday. Gabaygan wuxu la socdey gabayga "Luukaansi" ee uu Salaan seediyaashiis ugu quus-dhebayo.
 
Dekeeyaay dulmaan kugu qabaa, waa hal ii daranne
Rag dil waa geyaa qadafse waa, lagu dulloobaaye
Xaajada daciifkii qalbiga, waa dan-damaqdaaye

Anuunbaa dulqaadanahayee, durug dhawaaqiiye
Oo waataa dubaaqada qalbiga, doogtey wadaniiye
Iminkaan dibbiro ciil ka baqan inan dillaacaaye.

Awrkii da'furay geela way, deris colloobaane
Oo waakaa duleeddada fadhiya, diif wuxuu qabo'e
Dardar waxa leh Doob iyo Abeer, dihin abiidkoode

Inaad darar xogdale iigu dudi, waan ku duun garanne
Dabro Oday ma laasimo hadduu, dooxanaa rido'e
Dedaalkiisu waa kol iyo Laba inuu ku duukhaaye.

Dafse adaa i soo yidhi markaad, damacsanayd Guur'e
Waatii da'daan ahay wax badan, lay dabbaal-degaye
Dadka wax iga liitaa ku badan, lana daryeelaaye
Ma darbayso Fiqi Aw Cabdiba, dahabadiisiiye
Intay marada duuduubatay, duqa xanbaartaaye.


Ruuxii dayiba uunku, waw wada duceeyaaye
Inad durriyad ubad yeelatana, duugga la arkeeye
Eegana ducuun kuma jiree, waxan ku doorsiiyey
Daartii Casayd iyo Xafiis, inad ku daalayso
Iyo inaad Dalaaq kuma gashide, daasan gurigaaga
Kala dooro gabadh yahay aniga hay dardaar werine.


 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com