Qoraal (Written)

  Cankabuud

  W a c d i

  Luukaansi

  Abaaldhac

  Silsilad

  Khatumo

  Sheedaad

  Seben

  Fircoon

  Mine

  G u b a

  Gooshaash

  Digniin

  Fly duula

  Godob

  Wegen-xile

  Colka Jooja

  Rer Maxamed

  Dekeeya

  B a a n e

  Cawo Dhoble

   D h o o b l e

  More

 
     
 
Maqal (Audio)

  M i n e

  M i n e

  Digniin

  Wacdi

  Cankabud

  Dahabo

  Luukaansi

  Abaaldhac

  S i l s i l a d

  Gooshaash

  B a a n e

  Dhooble

  Colka-Jooja

  Cawo Dhooble

  Godob

  Wegen Xile

  Haadaaqsi

  Qisadii Qarad

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Salaan Max'd M. Xirsi "S. Carrabey"

 

 
 

  Habar Jeclo

DHOOBLE

Gabaygani wuxu ka mid yahay tixo dhawr ah oo Salaan u tiriyey reer Dhooble oo uu inan-La-Yaal u ahaa.

 

  Meeshaan Caliyow waalidkay, lagu ciseyneynin
Nin i soo cawaansaday halkaan, cidiba eegaynin
Ee Dhooble camalkaan ogaa, la cumbulyeynaayey
Ee sida caruuraha waxaan cunaba sheegaayey.

Meeshuu Isaaq wada cajabey, ceebti iga raacday
Meeshii Cawiyo Ceebla dhool, lay cambarinaayey
Ee Maxamed curadka u ahaa laguma ciil beele.
Senge cayn duwana, Caynab taxan, Caarre iyo maydal
Xakama casuusta leh waxaan, faras ku caateeyey
Sidii kayn cagaar badan waxaan Xamar caleen saaray.

Cuudkii aan maray, geelashaan, carajiduu gooyey
Caatuba la'aani waataan anigu, caato soo dhacaye
Ciddiya-goosad waataan la imi, cadarki Nawriishe
Ma cidlaan ku qubay xoolahaan cudhayey waa noolba.

Intuu yarad ka cunay Cawraluu, ugu cir weynaaye
Iyadaba cidluu kaga tegoo, caymanka u gooye
Goortuu callaaqiga sudhuu, caydh madow diraye
Oo waa caadadii inuu hablaha, u cadilaa saase
Maanuu i caabudan ninkii Jaamac ka ci'siiyey.

Rabbaa cudur ku rida duul hadday, caamilaan kibire
Casilaadu inay meel ka dhici, waa caddaan dhabahe
Nabsaa lagu carrawshaye, kuwii ciil walba i taartaye
Cirka gaadh dhibaatadu hadday caarsanayd beriye.

Cawo ka quustayaa, iyo Ilaah igu caqeeryaaba
labadaan ciyoon dhawrayaa, caynka ay noqonne
Ragiinnan i canaanahayoow, calaf Allaa dhow'e
Nimankaa collownaye ayaan la i caloolyaynin.

 


 

 
   


 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com