Qoraal (Written)

  Cankabuud

  W a c d i

  Luukaansi

  Abaaldhac

  Silsilad

  Khatumo

  Sheedaad

  Seben

  Fircoon

  Mine

  G u b a

  Gooshaash

  Digniin

  Fly duula

  Godob

  Wegen-xile

  Colka Jooja

  Rer Maxamed

  Dekeeya

  B a a n e

  Cawo Dhoble

   D h o o b l e

  More

 
     
 
Maqal (Audio)

  M i n e

  M i n e

  Digniin

  Wacdi

  Cankabud

  Dahabo

  Luukaansi

  Abaaldhac

  S i l s i l a d

  Gooshaash

  B a a n e

  Dhooble

  Colka-Jooja

  Cawo Dhooble

  Godob

  Wegen Xile

  Haadaaqsi

  Qisadii Qarad

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Salaan Max'd M. Xirsi "S. Carrabey"

 

 
 

  Habar Jeclo

  M  I  N  E

  Gabaygan wuxu salaan tirshey mar nin ay ilmaadeer ahaayeen laga dhacay gabadh. Salaan oo u guntadey ninkaas wuxu dareemay in la hagraday oo Isaaq oo dhammi Burco kaga hiiliyey. Gabadhas waxa la Odhan jirey Qarad Dirir oo uu inaadeerkii qabay balse uu ka qaaday Cawad Khuurshe oo Muuse Carre ah. Salaan Carrabey wuxu damcay inuu Isaaq isku diro oo godobtii qolaba qolada kale ka haysay uu iftiimiyo isagoo weliba u iilanaya dhanka Garxajiska.
 


1. Dheeldheeltanbaa lagu galaye, dhederbi reer Cawle
2. Waxba kagama dhiidhiyin reer Xirsigan dhelalow kacaye
3. Dhoollaha Bedeey kaga rideen dhagixi Beereede
4. Waa tii waraabuhu dharqaday dhinacyadiisiiye

5. Cabdi Qodaxna waa lagu dhugtamay suu dhalool yahaye
6. Dhaayaha wejiga saanaddii dhab uga qiiqaysey
7. Hadba waxan la dheelimanayaa dhicitinkiisiiye

8. Hadduu Maxamed Dhuubsade ku daray, dhagarti saarrayde
9. Colujoogna Dhay iyo Karuur kala dhex-joogaaye
10. Wallee gacanta looguma dhaqsado dheehay aadmiguye??.

11. Nabsi laga dhursugo kii horuu, dhawrayaa Arab'e
12. Isagaan dhib qabin Aadan, bay wax u dhawaaqeene
13. Dhadhabkaa hurdada kuu warrama, dhaasasiyo beene
14.  Dhalanteedka waakii la kacay dhuga-la'aaneede
15.  Dhabtuu Nabadshe Warankuugu ridey dheehay Aadmiguye.

16. Dhooddhootankii Celi Siciid dheelli kibirkiiye
17. Aar baa dharruursaday wankii dhumucda weynaaye
18. Dhig ma jebinin Xayd Muusihii dhirifta waallaaye

19. Raggii Laanta-Dhaankaa la dhigay dhoofna laga sheegye
20. Xasan Xaajigii dhaadan jirey Dhici colaaddiiye
21. Xirsi-Barigan dhaantaynayaa waa dhutinayaaye

22. La dhuyaalyey reer Weyd Siciid dhaawacuu qabaye
23. Waa kaa Dhabbiyo Ciil la tegey, Dhamal dushiisiiye
24. Hadduu dhulu-Qarridhay reer Siciid dhaafyey madhixiiye

25. Xasan Daahirkii lagu dhugtumay? dhabannahays reebye
26. Ka dhag siiye Cumar Daahirkii Dhaasiyee dilaye
27. Ku dhudhumiye reer Xaamudkii dhiigga fuuqsadaye

28. Raggii dhuubsan jirey haatanay, kala dhignaadeene
29. Ay weliba dhood iyo shiriyo, dheeryihiin amare
30. Dhallaankooda hadhay jeer danbay dhaxal u reebeene.

31. Iyagoon wax loo dhimin kuwii, dhag iska siinaayey
32. Dhullaxuba waxbuu kaariyaa, dhawr cashoo idile
33. Dharaar keliya buu Reer Xuseen dhigay Sulaaxiiye.

34. Qastankii dhexgalay Ciidagale kala dhaleeceeye
35. Indha-Guba kuwii loo dhuray ee dhamamax loo diidey
36. Dhulka Eebbe leeyahay kuwii lagaga dhaarjiidey
37. Dhalinyaro colmoogaa tashiga laga dhammaasaaye
38. Ugu dhiije Reer Ciisihii soo dhalaashadaye.

39. Dhegsiin buu ka helay Reer Gobdoon, lamase dhaadayne
40. Dhoobada Suldaankii la dhigay, dhaymo lama siinne
41. Dhibtuu qabo hadday ugu dareen weliba dhiidhiiye.

42. Wax libaaxu dhacadiidiyaa, Gool u dhays bidaye
43. Goortuu dhergaa buu dugaag, ugu dhawaaqaaye
44. Ragbaa libinta maantuu dharqado, dhaata abidkiise
45. Isagoo dhantacay Faarax Nuur dhuda ma luuqeeyey.

46. Haddaad dhimato geeridu marbay, nolosha dhaantaaye
47. Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin, dhereggu xaaraane
48. Dhedigaansho waa ceeb inaad, dhamagsataa meele

49. Dhadhan malaha aadmigu wuxuu, kugu dhalliilaaye
50. Nin dharbaaxo quudheed dugsaday, dhaqayaded maalye
51. Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide.

52. Ma dhurluminin Qaabiil markuu, dhacayey Haabiile
53. Dhiibaaji Dumar buu ka kacay, dhiriftankoodiiye
54. Dheddigoodku aadmiga horay uga dhawaajeene.

55. Cilmi dhuub shantuu dhalayba waa, dhacanta loo jiidye
56. Masii dhugan Bah Reer Dood kobtay, kaga dhaqaaqeene
57. Anuunbaa dhaxantu xalay iigu timi, dhimirsigii ciile

58. Dhegxumada aniyo baa Masa ah Dheecdan Reer Gude'e
59. Wallee ama Dhilfida laygu xidhay Dhoobo qolof saaray
60. Wallee ama Dhulkaba waan ka tegi dhaaban magaciiye.

 

 

 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com