Qoraal (Written)

  Cankabuud

  W a c d i

  Luukaansi

  Abaaldhac

  Silsilad

  Khatumo

  Sheedaad

  Seben

  Fircoon

  Mine

  G u b a

  Gooshaash

  Digniin

  Fly duula

  Godob

  Wegen-xile

  Colka Jooja

  Rer Maxamed

  Dekeeya

  B a a n e

  Cawo Dhoble

   D h o o b l e

  More

 
     
 
Maqal (Audio)

  M i n e

  M i n e

  Digniin

  Wacdi

  Cankabud

  Dahabo

  Luukaansi

  Abaaldhac

  S i l s i l a d

  Gooshaash

  B a a n e

  Dhooble

  Colka-Jooja

  Cawo Dhooble

  Godob

  Wegen Xile

  Haadaaqsi

  Qisadii Qarad

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Salaan Max'd M. Xirsi "S. Carrabey"

 

 
 

  Habar Jeclo

  Silsilad

 
Salaan Carrabey Eebbe naxariistii Janno ha ka waraabiyee ayaa la xididay Dhulbahante. Sheekadan dhawr siyood baa loo sheegaa siday ku bilaabantay balse waxan idiin soo gudbinaynaa sida loo badan yahay. Waxa la weriyey in Salaan oo arooskii ku jira ay martiyi u soo hoyatey. Martidii oo sida la sheego Salaan qoyskiisa ahayd wuxuu dareemay inaan si fiican loo Marti soorin. Salaan wuxu rajaynayey in maadaama xoolihiisii la meersaday oo waxna Yarad loo qaatay waxna gabbaati, in martiga loo Loogo.
Salaan wuxu marshey tix ay naga soo gaadhey.


 

Naagyahay hannaan xiditinnimo waa hantiyo soorre
Laba la hinjiyaba waa hunguri kii horreyn jiraye
Aqalkaan hilbiyo soori ool haqab la' oo buuxa
Aan Haanta caanuhu ku jirin halab karuurkeedu
guur uma hagaagine waxbaa loo hadoodilaye

Gabaygaas waxa ka jawaabay nin oosha uu Salaan ka guursaday ah oo la odhan jirey Ducaale Dheere, isagoo yidhi.

Siddeeddii cishaba waa intii sahanku laalnaaye
Waa soo sidnaa Xeedhyihii Saabka loo tolaye
Iidoor sal fududaa wuxuu sugayo muu dhawro.

Markii intaasi dhacday ayaa Dhooble oo ahaa Salaan Soddoggii uu ku xila furay inaan Salaan gabyi karin oo arrinka halkaa lagu qaboojiyo. Salaan waa qaadi kariwaayey Dhaarta iyo xilafurka ka dhacay Soddoggii oo waa iska aamusay.

Cismaan Aadan Dibi oo "Dhulqas" iyo "Gun iyo baar eeg" labada magacba loo yaqaan ayaa gabaygaas ka jawaabay. Waxay ahayd xilli abaar xumi ku habsatay habar Jeclo. nin Cali Dhuux marna Ismaaciil Mire lagu sheego ayaa soo dul maray ooshii Cismaan Aadan. Cismaan oo is yidhi malaha in loo gabyo ka baqay baa tirshey gabaygan soo socda oo Jawaab u noqday gabaygii Ducaale Dheere. Wuxu yidhi Cismaan Aadan


Aqallada Dixaha laga dhiseed dabato moodeyso
Danbaa meesha keentee xarrago looma soo degine
Daarood siduu beri ahaa loo dad-qalatowye.

Shan iyo toban sano ka dib ayaa waxa dhacday abaarta xun oo xoolo ku dhammaadeen. Salaan baa maqlay islaantiisii Cawo Dhooble oo dagaalaysa wiilashiisii markaasuu gabay tirshey. Gabayga wuxu Salaan ku tibaaxayey rag badan oo sabool ah oo cid walba leh oo markii caruurtoodii u kacday ay u shaqaysa oo dhiishii fakhriga tuurtay. Gabaygaas ayuu soo geliyey ninkii eraygu kala gaadhay ee Ducaale dheere. Wuxu yidhi Salaan Carrabey;

Wax Ducaale dhacantuu barkaday dhiil nabsaa tolane
Qumbuhuu ka dheewadey ilaah dhoobti uga qaadye
Nin wax dhalay maruunbuu dhergaa wiilasha ha dhiifin

Dhaaxuu asburay faarax Daad dhawr intuu qadaye
Waa kaas Sanduuqyada dhex galay dhoof ka soo degaye
Nin wax dhalay maruunbuu dhergaa wiilasha ha dhiifin

Dhibaatuu u qabay reer Warsame dhogor-yarow geele
Dhanka bidixda waa kaa ku dhigay summaddi dheerayde
Waa kaa dhidbaday baarqabkii dhumucda weynaaye
Nin wax dhalay maruunbuu dhergaa wiilasha ha dhiifin

Ducaale Dheere markuu gabaygii maqlay wuxuu u qaatay in Salaan weli ereygii uu yidhi daba joogo. Waxa kale oo uusan Ducaale jeclaysan in la soo xasusiyey saboolnimadiisii. Ducaale wuxu ahaa nin Sabool ah laakiin Markii geelii HAGOOGANE laga maroorsaday Daraawiish ayuu ka mid ahaa rag tirsan oo Daarood ah oo geelaa saami ka helay. Halkaasuu Ducaale ku sabool-gooyey. Ducaale oo gabaygii Salaan aan jeclaysan ayaa marshey afarreydan soo socota oo uu ku halqabsanayo inankiisii curad isla markaana ugu qayshanayo Saahid Qamaankii reer Dalal, Ogaden hadii sheekadu ku xumaato.

Soofoow Sarkaalkuba marbuu sahayda waayaaye
Saabaanka waa laga tirshaa suudi-daarrada'e
Nin saboola iyo Awrna waa suluf dhaqaaqaane

Labadaba haddaan soori celin socod ma daayaane
Inaan waayo saranseer ahaa saas anaa furaye
Samri-waa Salaankii wax badan layga saamaxaye

Sawdkii horeetiyo Cawaan kaga sarriigtaaye
Suryadaan fadhiistaba qolaan summad ku duugaaye
Oo lagaga soocaa naflaha suunta wada yaalle
Saableyda meeshaan u dhigayna Saahid baa garanne.

Salaan markuu gabaygaa maqlay ayuu tirshey tixdan soo socota. Wuxu Salaan is tusay in dhaartii Soddogii iyo wacadkii uu qaaday uu buray haddiiba la daandaansaday. Tixdan oo la yidhaahdo Silsilad wuxu Salaan ku keeneeyey Ducaale Dheere iyo affareydiisii ayadoo aan Ducaale Dheere gabay danbe u noqon maalintaas ka dib, Saahid Qamaankii uu ku tashanayeyna uusan wax hiil ah ka helin.
Wuxu yidhi Salaan Carabbey isagoo ku halqabsanaya wiilkiisii Jaamac Seed.


 

Seedoow Ducaaleba haddii, seexo laga waayey
Sedo inaan la hayn karin ninkaad, siisay garan waaye
Ragba miduu sinjiidkii wadoo saa'ilaa badane.
Saan joogsan weydaa waxbay, sahayanaysaaye
Aniga oo Salaanaba haddii, lay sal dhigi waayey
Yaabaye maxaan sugahayaa saaddi la i moodye.

Suuldaaro oday waa kufaa, samay la rooraaye
Wax kalaa saraa'iye Alloow, sahal amuurteenna
Safka Cali leh, Sawjada dhashiyo, Sebiga nuugaaya
Innamada saqiirka ah hablaha, timaha saydhaaya

Sinji rixin dadkaygu u yahay, Say-Abtoo xiga' e
Saddex goor dulqaataye hadday, saa'id tahay caawa
Waxba yaanan xidid waa Sunnee, Seedigay deyine
Horta maan xanbaarada ku sugo saadsey geerida'e.

Sidii kugu habboonayd adaa, seegay taladiiye
Sayaxaadda adigaa la tegey, suuqa qaylada'e
Adigaa Sallaan dheer la koray, sah iyo geeraare
Dadkeennii sokeeyaha ahaa, saas adaa yidhiye
Saqrad iga hel waataan wax badan saabur ku lahaaye.

Sangaaguradii Nuur Aadanbuu, soo sasabayaaye
Wadaadkii beryaha saahiduu, sulux ka doontaaye
Suubaalintii buu wadaa, suuf is marintiiye
Wallee saafurtaa iyo tolkaa, iga sameeyaaba
Inaan silic-gadaal kuu dilaa waa sidaan wadaye!

Wax dhaaxaan xiniinyaha ka saray, mida sinnaydeene
Suntaan qooshay waabeeyadaan, kaaga sahay yeelo
Adna inaad Samuutaha qudhqudhin waa si la hubaaye!

Dhirtu waxay ka sicir qaadataa, sananka Nawriishe
Saadaasha roob waxay waddaa, sagal kaliileede
Subxaanyadana saarmada ishaad, saawisaa bahale
Wax Jadeerku sanaqaad u yahay, Soonah iyo Hiile

Carmona geedo kale waa ku saar, sudhan wariidkoode
Soonqaadku Biluhuu u yahay, saacidiyo khayre
Seyid-ayaamna waa Jimcaha, laga siyaartaaye
Salaad laguma waajibin ninkii, suufiyaad qaba'e

Nin ilaah wax siiyana beryuu, Sadaqadaystaaye
Goortuu Sakada raaciyona, waw sayidiyaaye
Dabadeed samaanbuu helaa, saacidiyo khayre

Rusushii aralada loo sakhiray, sikhigi iimaanka
Iyaguba sawaab kalama tegin, saadadii hore'e
Maadaa ka saa'ida kuwii samada loo nuurshey.

Gaaladana Siligaw warrama, socotadii dheere
Saraakiishu hadal saabuday, sayn ku bixisaaye
Salka gabayna Nuur-Dhegacunbaa, saajac ku ahaaye
Anna waxan saxeexaa markuu, suura-gelayaaye
Waataan siyaakhadin jiree, maw silsiladeeyey
Allahylehe sidaa waw gabyaa, sadar kalaan baanay.

Geenyadu sullaacada horay, saamataa Faras'e
Sayaxa Doogga waa siman yihiin, Saalax nabadeede
Sengayaal marmaarriyey hadduu, siico bedenkoodu
Isagoo Sagaal qaday haddaad, nadi ku saydhsaydho
Durba waxad saluugtaa intaan, dhididku suudhayne
Goortay saraayadu nash tidhi, saancaddaw taga'e.

Sudciga geelu nimanbuu fadhiyey, seedda reer Hagare
Aan weli saaraayiyo laqwiyin, sawd-xun iyo ceebe
Sii-Aragba muu dayo intuu saca ku faanaayo.

Soddonkiiba loogama horreyn, saancadka lahaaye
Durba wuxu salookiyey markuu, soofay Halihiiye
Sooraanta goortuu dhiguu, seegay dhacantiiye
Sarsarkaba ma soo gelin markuu, booday sacabkiiye
Waa waxan sareedada dhadhamin, Saaka ka horoow'e
Bal inuu waqtigu kuu sallaxo, subaxyo maad dhawrtid.

Siigada haddaan kaaga tegey, salacyadii boodhka
Oon Summad wejiga kaa iftiyo, Soofe kugu duugey
Saabaanna aan kugu xidhxidhay, Sagabihii Koore
Saarsiinyihiina aad lahayd, seeggi labadeenna

Surka Xadhigga, Seetada lugaa, kaa sanqadhi doonta
Ninkii aniga kaa igu sukhraday, saac ha kuu bixiyo
Waataad Siddibiq ii gashee cidi ha kaa saarto.
 

 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com