Qoraal (Written)

  Cankabuud

  W a c d i

  Luukaansi

  Abaaldhac

  Silsilad

  Khatumo

  Sheedaad

  Seben

  Fircoon

  Mine

  G u b a

  Gooshaash

  Digniin

  Fly duula

  Godob

  Wegen-xile

  Colka Jooja

  Rer Maxamed

  Dekeeya

  B a a n e

  Cawo Dhoble

   D h o o b l e

  More

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 Salaan Max'd Xirsi "Salaan Carrabey"
Habar Jeclo, Adan Madobe
W A C D I

Gabaygan soo socda wuxu Salaan u tiriyey niman seeddiyaashii ahaa oo loo sheegay inay yarad ugu soo socdaan. Isagoo u dardaarwerinaya seeddigii ayuu tixdan ka horgeeyey isagoo leh SEEDDOOW HA IGU SOO LUGO'IN. Salaan oo markaas saboolay waxa uu sheegayaa in xiddidkii hore wuxuu adduun hayey ay meersadeen oo aan waxba ku hadhin. Wuxu yidhi Salaan Alla ha naxariistee:

Lukaansi gabay Faaraxaw laaqin ma lahayne
Laflafkiyo lahwiga loo tirshiyo jaray lurkiisiiye
La'da xarafka laanka iyo ba'daan loyar ku ahaaye
Nin awawgii loox ugu dhigoo liilgashaan ahaye

Legjar Faranji niman baa akhriya laawis iyo beene
Oo waliba laaxima intay lib isku moodaane
Ase waxan u laaqimahayaa tix ay ku luuqshaane
Mar haduu Lilaahida ka baxo waa lisaan jabane

Nin labaatan buuxsaday aduun waa lagdamayaane
Hadaan anigu loofaadin jirey haatan loowlabaye
Nin ciradu lamaanaha dhigtoo oo laylyamaan ahaye
Lixdan laba iyo toban baan dul maray waana la hubaaye

Lafta dhabarka lixaadka i debciyo laafyihii gacanta
Lubbigaygu leyl xalay ma ladin laadadyiyo taahe
Waataa lanleemada indhaha araggu liitaaye
Liiqliiqad baan ahay sidii lulo dabayleede

Hadday luguhu ciidamin jireen waa la' orodkiiye
Ma laxiibto geelaba hashii lahantay jiilaale
Ku laabudan shisheeye ninkii Laxawsi moodaaye
Hadba waxan lacaab riday ragbaa laastay yaradkiiye

liibaan Dhulmahantayga helay laalluf-se i moodye
Xaqaygaan ku laacibay haday igu lihiimeene
Sidaan ugu lalabay waanigaa laayacays badaye
Nin laqwiyey tashigu waa ka lalay laguna leecaanye

Lammaanaan xadhigi loo tidcay lugi ka toogtaaye
Lufan baa ka hadha dawliskii liilsanaan jiraye
Hadaan luqunta beri taagi jiray liicday adhaxdiiye
Nin laboonti sheegtaba sabaan laarriyaa heliye

Xaajadan laciifka ah aday ku lid noqotaaye
La fil ma ahi laankiin danbaan duxi lillaynayne
Laqantooyo xidid kii horaan laabta ku hayaaye
Iminkaan ladhkii weli qabaa laqanyadeediiye
Nin yaraan ku loofaray wuxu lumiyay raacdeeye

Tol Laxmiya ladqabo waw eg tahay inaad lafaysaaye
Fardahaba libaadshaha iyo duntaa ladha abiidkoode
Rag laacdamaya lool iyo rogaal leexaday is goysay
Bawdada ma laasimo darmaan leeddo fuulihiye

Laanjeertidaan qabo barbaar ladani waa mooge
Adigoo lamada awr leh wadin ama liggood keenin
Leegleegsadaha waan necbahay laanta dheer sida'e
Waar Seedaw haygu soo lug goin lahasho waa ceebe.

 

 
Maqal (Audio)

  M i n e

  M i n e

  Digniin

  Wacdi

  Cankabud

  Dahabo

  Luukaansi

  Abaaldhac

  S i l s i l a d

  Gooshaash

  B a a n e

  Dhooble

  Colka-Jooja

  Cawo Dhooble

  Godob

  Wegen Xile

  Haadaaqsi

  Qisadii Qarad

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com