Qoraal (Written)

  Cankabuud

  W a c d i

  Luukaansi

  Abaaldhac

  Silsilad

  Khatumo

  Sheedaad

  Seben

  Fircoon

  Mine

  G u b a

  Gooshaash

  Digniin

  Fly duula

  Godob

  Wegen-xile

  Colka Jooja

  Rer Maxamed

  Dekeeya

  B a a n e

  Cawo Dhoble

   D h o o b l e

  More

 
     
 
Maqal (Audio)

  M i n e

  M i n e

  Digniin

  Wacdi

  Cankabud

  Dahabo

  Luukaansi

  Abaaldhac

  S i l s i l a d

  Gooshaash

  B a a n e

  Dhooble

  Colka-Jooja

  Cawo Dhooble

  Godob

  Wegen Xile

  Haadaaqsi

  Qisadii Qarad

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Salaan Max'd M. Xirsi "S. Carrabey"

 

 
 

  Habar Jeclo

Toloow colka Jooja

 
Geeraarkan wuxuu abwaanku ku kala guntanayey laba jilib oo HJ ah (Reer Daahir & Axmed Faarax) oo dagaal isugu qalab qaatay. Abwaanka oo sama-taliye weyn ahaa wuxuu isku deyey inuu u caqli celiyo raggii colaadda hurinayey oo uu xasuusiyey cawaaqib xumida iyo cirib la'aanta colaaddu horseeddo. Abwaanka Ilaah waa ku guuleeyey inuu dagaalkaas hakiyo. (Geeraarku ma dhama)


Maalintii Cumar Daahir
Is ku gooyay cayaartiyo
Nin Caloolacad joogay
Oo Meygaag Ciiden war qaatay

Waa cibaaro qabaayoo
Belaayuu curufkeediyo
Camalkeeda yaqaane
Waar tolow, colka jooja!

Nin habeenno casheeyay
Cadar aan hadh lahayn
Iyo ceeryaamays ugu toosta
Oo inuu caafiyaddiisa
Cabbaar meel la fadhiisto
Caqligaanay gelayne
Waar tolow, colka jooja!

Carabkaan ku hadlaayona
Nin callenti caddaatiyo
Caamadaan garanayn oo
Kolkay caruuri dhintaane
Cutub weyni cidlaataa
Lays canaanan haddhowe
Waar tolow, colka jooja!

Labadiinnan cuure
Is u coobe ridaayow
Cidna ways u xignaa
Ciilna ways u qabnaa
Canla na waa is ogayn?
Shantii Caadle lahayd
Iyo curadkii habartay iyo
Cali Fiin ma illaawin
Oo raggii ceeriga yiilla
Cabasaannu ahayn
Oo Jaamacii calmanaaye
Codkar noogu horreeyiyo
Rabjaan baydin cayaayir
Iyo caado dhaaf ku disheen
Oo haddii aad is cuntaan
Idin caabudan maayo
Oo waa intaan mid la ciidmi
Oo ka kaleeto ku ciiriye
Waar tolow, colka jooja!

Intii baad cantarteen oo
Cunkadaydin marteen
Oo meydkiinnii cammirraa ye
Candhadheerta dhurwaa
Iyo ciidda haaddu ku jiidday
Iyo cuqduudkii ka baxdeen
Oo cosobkii Balanbaal
Iyo caleentii Karamaan
Oo Cayn baa oo gudhsateen
Oo cambartii geela dhalaysiyo
Adhaa ceegan guryaa e
Waar tolow, colka jooja!

Nin carruur iyo maato
Iyo calli reero la yaal
Oo I coofaaya golaa
Oo cararaaya had dhow
Iyo nin colaad talinaaya
Oo caddaystaydinka buuxa e
War tolow colka jooja

 

 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com