Qoraal (Written)

  Cankabuud

  W a c d i

  Luukaansi

  Abaaldhac

  Silsilad

  Khatumo

  Sheedaad

  Seben

  Fircoon

  Mine

  G u b a

  Gooshaash

  Digniin

  Fly duula

  Godob

  Wegen-xile

  Colka Jooja

  Rer Maxamed

  Dekeeya

  B a a n e

  Cawo Dhoble

   D h o o b l e

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 Salaan Max'd Xirsi "Salaan Carrabey"
Habar Jeclo, Adan Madobe
 CANKABUUD

Salaan Carrabey wuxuu noolaa badhtamihii qarnigii 19aad illaa badhtamihii qarniga 20 aad. Salaan, sida la caddeeyey, Sannadkii 1943kii ayuu ku geeriyooday baadiyaha magaalada Burco isagoo cimrigiisu aad u weyn yahay.

Gabaygan wuxuu Salaan u tirshey gabyaa uu adeer u ahaa oo la odhan jirey Cabdullaahi Baashe Shabeelle. Waxa taariikhdu werisaa in Salaan oo ku sugan Cadan uu magaaladaas yimi Cabdillaahi Baashe. Cabdillaahi Baashe oo rajaynayey in rag badan oo gabdho ka qabay soo dhaweeyaan ayaa gacma madhan kala kulmay intaan ka ahayn dhawr nin. Cabdillaahi oo raggii xididka ay ahaayeen gabay ku duraya ayaa yidhi;

Dhirta kale haddaad goyso waa gubayo hiireede
Geedkaan garaacnaaba waa Gawlaliyo Jiice
Ilaahbaa gacmaha noogu xidhay maydhax Gumareede
Geesigan ismaaciila iyo Godane mooyaane
Way guur xumaysteen hablii geelle dabadeede


Mamnuuc bay ahayd in nin xidid kula ah wax laga sheego sidaa darteed ayuu Salaan oo arkay khaladka Cabdillaahi uu ka codsaday inuu gabay kale oo uu raggaas ku xaal marinayo tiriyo. Cabdillaahi gabay kale ayuu u noqday laakiin sidii Salaan faray ma yeeline wuu is difaacay isagoo tabanaya inuu runta uu sheegay laga gubanayo:

Haddii aanan gaaliyo islaam eedba cid u geysan
Oon seedigay waxa u galo giirka ka caddeeyo
Ma la guban haddaan Geelle Mire sheego gacantiisa


Salaan Carrabey ayay markaa la gudboonaatay inuu wiilka yar ee uu adeerka u yahay waaniyo wuxuuna tirshay gabaygan oo aan halkan ku dhammayn.

Cabdillaahi Baashoow cataqay gabay caraadkiise
Maxaad cuni ha joogtee adduun caashaqii dhigaye
Sidan caddadka biluhu tirsaday waan cabsanayaye

Tixda waxan cashuuraba haddaan caynka ka higaadsho
Aniga cayda iiguma baxdiyo ceebta dibadeede
Carradaba nin laga naadiyoo caan baxaan ahaye

Cuqle midu u baxay baad tahoon caabudeyn axade
Cabbaar gabana meel uma fadhidid cisiyo maamuuse
Hadba tol aanu ceesh milix nahaad nagu cadhaysaaye

Cimrigiisa niman laasanayn looma caal helo'e
calliyohow cirradu waa dhabtii caammadaan garanne
Calaamooyinkii oday lahaa caasha idin saarye

Qorax casarka joogtaan ahoo ciiri dabadeede
kuwaanu isku ciidamis ahayn caadna laga waaye
Hadba waxan calool doonayaa curufadaydiiye

Cindigaan hurdada fiiriyaa caam intaan jiraye
Naf cankuurka loo yimi Rabbaa caaqibuu garanne
Calool qulubtay waa yaab asaan cudur la taahayne
Cidla yuurur bay dilay sidii cawsha debadeede

Caad iyo kancaan iyo Namruud cadawyadii diinta
Cantar binu shadaad iyo kuwii coofka kor u taagey
Callaaq baa la sudhay reer Cimaad cadho daraadeede

Beryo wuxu cantoobsaday markii Ceejad laga waayey
Casha keliyabaa reer fircoon wiish la caaridaye
Cuqdud Eebbeheen geli wuxuu cudud lahaa xooge
Caqlow dhimoe Cooj-bini-Cunuuq ciidda lagu awdye
Cirkaa lagaga soo degey markay caamileen kibire

Ninkii Cabbasa ogi Eebbe waw toobad celiyaaye
Cama nin Akhristaa jeer danbuu ku cimri qaataaye
Cankabuudka caaradu xidhee lagu cayaaraayo
iyo wiil cartii qaba intuu amar la ceeryoomay
Cindallaahi waa simman yihiin waana laba cayne

Caddad mal leh rijal ladan intay calal ku duubene
Ooy meel cabbaar loo qodqoday kaga carraabeene

Marka inuu cidhiidhyamay waqtigu waa caddaan dhabahe
Ciyoonba haatan laysugu dhawaaq Calanki Suurkiiye
Maalintaan Curyaan wada nahee Caaddilka hor joogno

Qofba Culuqu laasimay markii lagu cashuuraayo
Isagoo Cadshaan qaba intuu Ciriqna maansheeyo
Limmaa-Tacuddu Alif-Caam haddaan cidi jawaab siinin

Ninkastoo Caniidaba markay talo ku ceeryoonto
Ifka nimad u cabataad maruun ciidan ka heshaaye
Camalkaaga mooyee halkaan hiil casabo joogin
Halkii adan Cashiiro u lahayn cuudna bixinaynin

Rasuulkii Cirshiga loo sakhiray Carajadii leylka
Isagaa Cibaadada anfaca Caaddilka hortiise
Codkii Maxamed(SCW)lagu caawimaan ka codsan doonaaye.




 

 
Maqal (Audio)

  M i n e

  M i n e

  Digniin

  Wacdi

  Cankabud

  Dahabo

  Luukaansi

  Abaaldhac

  S i l s i l a d

  Gooshaash

  B a a n e

  Dhooble

  Colka-Jooja

  Cawo Dhooble

  Godob

  Wegen Xile

  Haadaaqsi

  Qisadii Qarad

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com