Qoraal (Written)

  Cankabuud

  W a c d i

  Luukaansi

  Abaaldhac

  Silsilad

  Khatumo

  Sheedaad

  Seben

  Fircoon

  Mine

  G u b a

  Gooshaash

  Digniin

  Fly duula

  Godob

  Wegen-xile

  Colka Jooja

  Rer Maxamed

  Dekeeya

  B a a n e

  Cawo Dhoble

   D h o o b l e

  More

 
     
 
Maqal (Audio)

  M i n e

  M i n e

  Digniin

  Wacdi

  Cankabud

  Dahabo

  Luukaansi

  Abaaldhac

  S i l s i l a d

  Gooshaash

  B a a n e

  Dhooble

  Colka-Jooja

  Cawo Dhooble

  Godob

  Wegen Xile

  Haadaaqsi

  Qisadii Qarad

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Salaan Max'd M. Xirsi "S. Carrabey"

 

 
 

  Habar Jeclo

 Fircoon

 
Tuducyadan soo socdaa waxay ka mid ahaayeen gabay uu Salaan Carrabey u tirshey Ina Cabdalla Xasan. Geela la magac baxay Gundheere marka la qaaday buu ku aadanaa gabaygani

MA SAXNA. Fadlan Soo dhammee gabayga.
 


Muuse Carre Sharafkii ka dhimay, Shaambaddii boqore
Shaalkii Galladduu ku hadhay, shire hog-guu yiile
Cirkuna wuu shanfaxay Aw Guhaad, shuguguxdiisiiye
Guuleed shallaytada ma ledo, shawr caloosha aha'e
Waayadan karuur looma shubin, Shaaxin iyo Laane

Wixii uu Digoow shalac ahaa, shay ka fududaaye
Kol danbuu Ilaah uga shiddayn sharafki saarraaye
Shaarubo engegan ina Si-Arag, shaah u soor noqoye
Shawdii Cabday ku habbanayd, shalaxdi caanuuye
Dhaaxaa hadhuub wiil shaqladay, sheedda loo rogaye

Fircoonbaa cilmiga sheegi jirey, Sheekhna ma ahayne
Isaguba shirkiga Eebbeheen, Shiqi gadaalkiiye
Shed nimaanu celinayn asaan, shar uga taag waayey
Amase cirradu sharaaryaha dhigtoo, shubaya xaaraanta
Shafkana aan ka qaadayn hablaha, waw shin tiriyaaye
Naagaha Siddeed baw sharciya, shayna dheer yahaye
Haddaan Maxamed(SCW) sharaftiisu jirin shamis ma nuurteene
Shaki geliysey nebigii (SCW) arliga, shaaca ku ahaaye.
Shiinena an keennee haddaan, sharacgal kaa weyney
Waynoo shihiid dirir xumaad naga shaqayseene.


Tuducyadan Hoose oo halqabsi noqday oo uu tirshey Salaan Carrabey (Allah ha u naxariistee) ma hubno in ay ku jireen gabaygan kore iyo inuu gabay goonni ah ahaa.

Shansha adhiba shirixaa danbaa shuuxa abidkiise
Shahwo oday ka qaaliban abitiga shaashadii xumiye

 

 

 

 

 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com