|   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Taariikh  |


Qoonsada
Adduun lagu dhintay
Gabowga
 









 
 
 
Qoonsada

Maxamed Xaashi, (Ciidagale).


Gabaygan Maxamed Xaashi wuxu tiriyay 1948 waxii ka dambeeyay, wado ay ingiriisku ka samaynayeen Galbeed (oo Harar iyo miyiga somali galbeed isku xidha) oo u fudidaynaysay isticimaarka Ingiriiska iyo kii Ethopiaba maamulka Galbeed. Maxamd Xaashi soomaalidii wakhtigaa jirtay ayu in badan kala dardaarmay wadadaa oo aw yidhi Somaleey waa in lays hor taago Wadaadaas, gabayo kale oo aan kuwan ahayna wuu mariyay. Markaas ayay cidina dhagaysan wayday oo ay ka guri wayday. Sabab iasgu meel fog ayuu ka hadlaayay, oo ah bari ayay wadadaasi Xabashi ka faaidaysan doontaa, oo maamulka dhulkeena u hawl yaraynayaa.Markii laga dhagaysan waayay Maxamd ayuu gabaygan aw ka tiriyay oo cabasho iyo calaacal isku jira ah.

Wuxu yidhi:
  In dhaweydba wataan qarsaday qiimihii gabaye
Abadkayba goortaan qabtaan , qurux u yeelaaye
Qaafada horteedaiyo shirkaan, qun ugu sheegaye
Bal qiyaasta caawana , halkan uga qurmaynaayo
Qof weeye laba gaal haday talo qorsheeyaane
Hindigay qafaasheen baryay qaran ahaayeene
Qarni ma laha isaguba marku qaatay keenadiye
Waa kii Suways qabsaday qamac dhareereede
wax horteen sidaa loo qaribay, boqol quruumoode
Qoonsada halkaa waxa ku jira qabar laxaad weyne

Qooto iyo Taleex baa la simay qaydkan seeraha'e
Sidii qaalima booliya dhulkii waa la qaybsadaye
Isba qiil banays buu u yimi qoortan dooga lehe
Wuxu ka qabtaba daayoo wuu idin qalayaaye
Qoonsada halkaa waxa ku jira qabar laxaad weyne

Qusnsuligaa la dhigay ceelkan Harar,qiil kalaa xigiye
Waxba yaanu ii kala qararin qoolashaan dhayo'e
Marku geed qaloocsamba waan sii qandhanayaaye
Qayrkay haday toban yihiin qodob ma riixeene
Quluqulaha dhexdiina mar baa..............?
Qoonsada halkaa waxa ku jira qabar laxaad weyne

Jarmalkii qabiiliga ahaa qawmuun baa u baxaye
Isagaba qasaarii la baday quusyoo samirye
Waa waxii qatalay reer India quuso la'aantaase
Idinkuna qab laydin dhigaad moodaysaan quruxe
Markan qawl yidhaahdaba anaad i qabsanaysaane
Waa qarsoomo iyo yaab afkaad qadhim i siiseene
Qoonsada halkaa waxa ku jira qabar laxaad weyne

Murtidaad qalooc u rogteen qararna loo yeelye
Waa qiilo galinoo dhulkaa laysu qoonsadaye
Aan ku baro qiyaamaha ninyaw kii qaalin kaga maalay
Qayrkii ka hadhay waxad tihiin qaday habeenkiiye
Qacadaan anigu eegay baa indhuhu qaraf ka duulaaye
Qoonsada halkaa waxa ku jira qabar laxaad weyne

Qoomiyad ninkii garanayaa ima qilaafeene
Hadii aw gaalku i qabsado oo qoorta iga gooyo
Qawl nimaan la laabanaynin oo quusan baan ahaye
Dadkii se aan u qayliso is lahaa qaasi nimadooda
Quful baa ku jabanoo ma oga qoonta iga taale
Qasaaraha ninkii ogi hadu qaban lahaa taase
Quruuntan Alaa garan kolkay qaadan waanada'e
Qodaxdaa xanunuukeedu waa qaamud kugu maqane
Ha qoslina taas dhawaan baa qaxar ka joogaaye.

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com