Raggaan dhalay ragguu dhalay miyaa dhamamax ii diiday
Kuwii aniga ii dhaxay miyaa dhimashaday doonay
Dhuuniga i siiyaay miyaan sidda dhalaan ooyey
Waxan dhawrsan jiray ceeb miyaa igu dharaarowday
 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Taariikh   |
 
Gabowga
Qoonsada
Adduun lagu dhintay
 
 
 
 
Muxumud Aw Cabdi Xaashi (Ciidagale)

Gabaygan wuxu Muxumud A. Xaashi kaga cabanayaa gabow iyo daryeel la'aan uu ka dareemay ubadkiisii iyo ooryihii u dhaxay;

 
Waxaan Khayli dhuugyaha casiyo, dheeg Wiyila qaatay
Ee dhalanka aadmigu u baxo, sitadan lay dhawray
Kolkii horeba dhererkii miyaa, dhabarkii soo gaabtay
Ma ka dhaxay dhawaaq uubatiyo, dheelmitaan gaban ah
Dhabbe reero qaadeen miyaa, laygu wada dhaafay
 
Ushaan dhaabin mooyee hubkii, ma iska wada dhiibay
Raggaan dhalay ragguu dhalay, miyaa dhamamax ii diiday
Kuwii aniga ii dhaxay, miyaa dhimashaday doonay
Dhuuniga i siiyaay, miyaan sidda dhalaan ooyey
Waxan dhawrsanaa, ceeb miyaa igu dharaarowday

Waxa ku deeqay Cali Heello, heello2001@yahoo.com

Copyright 2000 - 2003  HoygaSuugaanta.com