Muxumad Aw Cabdi Xaashi
(Ciidagale)
1890 - 1950

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Taariikh   |
 
Qoonsada Adduun lagu dhintay Gabowga  
  Muxumad Cabdi Aw Xaashi

ka dib markii uu ku cabiray dareenkiisa gabaygiisa qiimaha badnaa ee Qoonsada, muddo ka bacdi ayaa wuxuu ka digayey toos loo wada arkay. Baando iyo Talyaani ayaa dalkii qabsaday. Waxaa la yidhi Isaaq Hawd laguma arki karo. Isagoo soo qaxiyey geelii ayuu keenay meesha Tuur loo yaqaan. Dabadeedna gabaygaas oohinta ah ayuu tiriyey isagoo ku halqabsaday inankiisii curad ee Cali wuxuu yidhi.


1.Caliyoow adduun lagu dhintoo, dheeliyaan ogay'e
2.Ma dhadhamiyo caanaha liska ah, sida dhukaameede
3.Sidii dhagar aan qabo oo xabsiga, la iga dhawraayo

4.Dharaar iyo habeen faalladaan, dhabanka haystaaye
5.Dhag markaad tidhaahdaan hurdada, maba dhakoolayne
6.Ka dhabriiray haasaawahaa, dholonbiyeyseene

7.Dhalinyaradu hadalkii naxwa ah, dheg uma yeeshaane
8.Nin dhammaaday baa garanlahaa, dhaabadaan odhane
9.Bal dhagaysta caawaan rakibay, dhidibbadiisiiye

10. Kol haddii dhulkeenii xadkaas, dhereran loo yeelay
11. Oo moodhikaar lagu dhibtiray, wada dhabbaynaayo
12. Dhallaan weeye kii haybiyaa, dhaqasho xoolaade

13. Dhuuryadan dusheenaa, garnayl dhacayey saarnaaye
14. Wax dhambaalka lala roorayaa, dhinicii Tuureede
15. Dhalankii Hawiye loo qabtaa, lay dhexmarayaaye

16. Sidii dhoocil awraan ka baqan, dhaan in lay raro’e
17. Baandadan dhabbada joogsatiyo, qoriga dhawr qaad ah
18. Inaan dhaxal wareegnaa kuwani, meesha loo dhigaye

19. Hadday dhiillo meel soo gashoo, khabarka loo dhiibo
20. Dhan kastaba haddii ay tihiyo, dhulaan la gaadhaynin
21. Baabuurro dheeraynayaa, lagu dhaqaajaaye

22. Oo dheehadoodii isweer, lagu dhab siiyaaye
23. Oo dhiidhi kii lagu tuhmana, lagu dhirbaaxaaye
24. Dhayal hayga moodina, caddaan dhaarsanbaa yimiye

25. Waa duni ninkii dhumuc lahaa, dhaatay oo kacaye
26. Af-warqeba cishaa lagu dhugtamay, ciidankuu dhuraye
27. Is dhootaalintii reer Walliyo, dhirifki beenowye

28. Wuxuu Xayle dhoofka ugu kacay, dhuumashuu bidaye
29. Ka dhaqaaqe daarii Shawiyo, dheregii fiicnaaye
30. Waatay dhalaankiyo hureen ,ooryaha udhaxaye

31. Waatii galbeed loo dhuftayey, dhebae u yaaceene
32. Dhirbaaxadii Talyaaniga ayey, dhego barjoobeene
33. Annagana dhulkii aan lahayn, dhaafabuu yidhiye

34. Habaryoonis oonbay u dhiman, dhibica dayreede
35. Geediga caleenweyn ku dhacay, dhaafi kari waaye
36. Kuwii harada dhalandhoobin jiray, dhamacda jiilaalka

37. Ayey gaaladii dhiifatooy, siraw la dhaaftaaye
38. Caynaashihii dhiirranaa, dhacarti loo diidye
39. Reer sugulle dhaantada Digweyn, kagama dheelmaane

40. Dhalooshii farcaamood xeryaha, uma dhameeyaane
41. Dhiilaha karuurka ah martida, looma soo dhigo’e
42. Dhegcaddii madheedhkiyo la waa, dhuubkii geedaha’e

43. Reer daahir beel kama dhisaan, dhinacii beereede
44. Dhudhubo iyo buuhoodlayaal, laga dhawaateeye
45. Dhulbahantii fallaagada ahaa, waa la dhaawacaye

46. Halkuu nugulku dhacadiiday iyo, dhooddi laga qaadye
47. Aduunyadan ninkii aan ka dhiman, dhaygag baa diliye
48. Kolka dhool da’aa Ciidagale, kor u dhaguugaaye

49. Iyadoo dhegows iyo burcada, dhaayin lagu foofshay
50. Ma dhambalo qolkii gaanihii, dhogorta xiisnaaye
51. Dhaameel tolkay wuxu ku furay, dhabarkan Tuur weyne

52. Imakay nirgihii dhaadhyi jiray, badi u dhuubteene
53. Hadba waxaan ka dheelimanayaa, dhabarka raaxayse
54. Dhegxumada ku noolow waxaa, dhaanta geerida’e

55. Waagaan dhawaaqaayey, een dhego la’ii yeelan
56. Dharaartii hadday ila gartaan, lama dhaqaajeene
57. Maantooy dhanaanaataybay, dhabanka haystaane

58. Dhammaantiin soomaalaay hadday, dholo’di joogtaaye
59. In qiyaamihii dhawyahoon ,dhegiba noolaanin
60. iyo gaalka inaan dhoofinoo,dhidibka loo saaro
61. Labadaas mid uumbay u dhici, dhaaxa lala yaabye



Abdoul-Fatah Ibrahim Hassan
School of Physics (Geophysics)
University Science Malaysia
11800 Penang
Malaysia




 
Copyright 2000 - 2004  HoygaSuugaanta.com