Q O R A A L

  Taariikh Kooban

  Ammaan Dumar

  Indha-badane

  Gobannimo

  Abaallaawe

  Nasab

  G u b a

  Bender Caasi

  Tolnnimo

  Daacad Xumo

  Qubane

 

 

 

 

 

 

 

 

Maxamed Nuur Fadal

H J - Rer Dahir

INDHABADANE






Gabaygani wuxuu ku aaddanaa sannadihii 1930aadkii. Geel aad u badan oo "Dhalma-badane" la odhan jirey ayaa beesha Sacad Muuse ka maroorsatay beelo Ugaadeen ah. Raggii geela soo qaaday gabayo dhawr ah bay ka tirsheen ilaalayntii, duullaankii iyo guryakeenkii geelaas. Ugaadeen geelaas kama daba tegin mana dhacsan.

Ugaadeen ayaa muddo sannad ka dib ah ilaalaystay geel kii laga dhacay u dhigma oo Sacad Muuse leeyahay waxayna col geliyeen geelaas. Geelaas cidi kuma dagaallamin taasaana keentay in Maxamed Nuur Fadal uu tiriyo gabaygan guubaabada iyo canaanta huwan ee uu ku tirtirsiyayo Sacad Muuse. Gabaygan dadbaa u fasira in Sacad Muuse lagu caayayo laakiin saas maahee waa dhiirrigelin iyo guubaabo waayo Sacad Muuse geel kan ka tayo fiican bay libtiisa hayeen oo xeryaha ugu jirey.

1. Waa lagu dhintaa geel ninkii dhaqo yiidhaahdawe
2. Waa dheeman iyo luul ku jira dhib iyo laystaane
3. Dhayal iyo ciyaar looma helo dhug iyo aar laaye

4. Iyadoo Dhamaysay fadhida dhagaxa guudkiisa
5. Iyadoo dhimbiilaha sare iyo Hawdka kor u dhaaftay
6. Iyadoo xeeryaha looga dhigay qaydka dhiniciisa

7. Iyadoo markaa wada dhashood dhaan la furay moodo
8. Dhufaankeeda iyo aarnaka oo dharabka loolaaya
9. Iyadoo baruur dhaabantay oo kurusku dheeraaday

10. Marku dhalmo kibirkii durduro dhagac ka soo siiyay
11. Ogaadeen intuu dhacay ee u dhaanto daba qaaday
12. oo baarqabkii nirgaha dhalay dhaafi kari waayay

13. Oo dhinac ka eega iyo kalgacal dhuunta ka higooday
14. Dhal jacayl daraadi kolku dhuunta galinaayay
15. Oo micida dhumacsatiyo dhoosha ka ciisiyay

16. Oo doobta lama dhawrsadee galawga dhiileeyay
17. Oo dhibida labadiisa qaar dhiinmay midabkiisu
18. Dhagtoo loo sargooyiyo Dawaad dhuxul la moodaayay

19. Goortu dhareerka iyo xumbada mariyay dheegiisa
20. Isagoo dhinbill raydab iyo dhuuga sare moodo
21. Dhan-u-heegga laafyaha marku dhebel u qaadaayay

22. Dhirifka iyo cadhadii kolku dhiraha laynaayay
23. Oo dhibida dheega iyo kalyaha dhiig iskaga yeelay
24. Waa dhidibka geelee marku dhudi shaxeexaayay

25. Dhangadaha kolki dhabiga madhan dhawda laga saaray
26. Dhawnbirkii Ogaadeen marku dhaanta daba qaaday
27. Ee ololka dhacadiidisaad dhicin lahaydeene

28. Dhar caskii magaalada iyo dilaal dhuuntay baa wadaye
29. Hadii Habar Xabush laga dhaciyo dheega Habar Yoonis
30. Ama dhalantidii Ciidagale lama dhaqaajeene

31. Dhiig cabayadii baan lahayn dhagartu saarnayde
32. Dhurwaaga hilbaha cuni lahaa bil iyo dheeraade
33. Haday dhonbirkoodi sitaan Arab ma dhaafteene

34. Dhiirrida Ayuub kama tagteen sidigta dhaameele
35. Dhamaan Ciise Muusan nin ogi sii dhex mariyeene
36. Idinka marki laydin dhacay soo dhan booqsadaye

37. Waligiinba dhoomaha Isaaq dheg uma noolayne
38. Dhalool yahay dhankiinaa Khaligu iiga soo dhacaye
39. Dhankaad naga xigtaan bay wadnaha dhooli mood ahaye

40. Goormaydin shisheeye iga dhicin ii dhaabacanaaya
41. Dhibid ma laha awrkii yaraan lagu dhufaanaaye
42. Haduun baad dhaar xoog leh iyo dhiiri barateene
43. Irbad dhuub ma galisaan afkuna waa idin dheeryahaye


 

 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com