|
|||||||||||||
|
Indhabadane Maxamed Nuur Fadal Maxamed Nuur Fadal 1930's. Geelii Indha Badane ee Ogaadeen ka dhacay Sacad Muuse ayuu ka tirshey gabaygan isagoo Kenya ku sugnaa abwaanku. |
||||||||||||
|
1. Waa lagu dhintaa geel ninkii dhaqo yiidhaahdawe
2. Waa dheeman iyo luul ku jira dhib iyo laystaane 3. Dhayal iyo ciyaar looma helo dhug iyo aar laaye 4. Iyadoo Dhamaysay fadhida dhagaxa guudkiisa 5. Iyadoo dhimbiilaha sare iyo Hawdka kor u dhaaftay 6. Iyadoo xeeryaha looga dhigay qaydka dhiniciisa 7. Iyadoo markaa wada dhashood dhaan la furay moodo 8. Dhufaankeeda iyo aarnaka oo dharabka loolaaya 9. Iyadoo baruur dhaabantay oo kurusku dheeraaday 10. Marku dhalmo kibirkii durduro dhagac ka soo siiyay 11. Ogaadeen intuu dhacay ee u dhaanto daba qaaday 12. oo baarqabkii nirgaha dhalay dhaafi kari waayay 13. Oo dhinac ka eega iyo kalgacal dhuunta ka higooday 14. Dhal jacayl daraadi kolku dhuunta galinaayay 15. Oo micida dhumacsatiyo dhoosha ka ciisiyay 16. Oo doobta lama dhawrsadee galawga dhiileeyay 17. Oo dhibida labadiisa qaar dhiinmay midabkiisu 18. Dhagtoo loo sargooyiyo Dawaad dhuxul la moodaayay 19. Goortu dhareerka iyo xumbada mariyay dheegiisa 20. Isagoo dhinbill raydab iyo dhuuga sare moodo 21. Dhan-u-heegga laafyaha marku dhebel u qaadaayay 22. Dhirifka iyo cadhadii kolku dhiraha laynaayay 23. Oo dhibida dheega iyo kalyaha dhiig iskaga yeelay 24. Waa dhidibka geelee marku dhudi shaxeexaayay 25. Dhangadaha kolki dhabiga madhan dhawda laga saaray 26. Dhawnbirkii Ogaadeen marku dhaanta daba qaaday 27. Ee ololka dhacadiidisaad dhicin lahaydeene 28. Dhar caskii magaalada iyo dilaal dhuuntay baa wadaye 29. Hadii Habar Xabush laga dhaciyo dheega Habar Yoonis 30. Ama dhalantidii Ciidagale lama dhaqaajeene 31. Dhiig cabayadii baan lahayn dhagartu saarnayde 32. Dhurwaaga hilbaha cuni lahaa bil iyo dheeraade 33. Haday dhonbirkoodi sitaan Arab ma dhaafteene 34. Dhiirrida Ayuub kama tagteen sidigta dhaameele 35. Dhamaan Ciise Muusan nin ogi sii dhex mariyeene 36. Idinka marki laydin dhacay soo dhan booqsadaye 37. Waligiinba dhoomaha Isaaq dheg uma noolayne 38. Dhalool yahay dhankiinaa Khaligu iiga soo dhacaye 39. Dhankaad naga xigtaan bay wadnaha dhooli mood ahaye 40. Goormaydin shisheeye iga dhicin ii dhaabacanaaya 41. Dhibid ma laha awrkii yaraan lagu dhufaanaaye 42. Haduun baad dhaar xoog leh iyo dhiiri barateene 43. Irbad dhuub ma galisaan afkuna waa idin dheeryahaye |
|||||||||||||