Bulbulloow libaax iyo dhurwaa power kala roone
Haddii uu bulxamo aarku wuu bili cuslaadaaye
Waxan nahay rag lagu beegi jirey boqol ninkoodie
   
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
 
Taariikh Kooban
Ammaan Dumar
Indha-badane
Gobannimo
Abaallaawe
Nasab
G u b a
Bender Caasi
Tolnnimo
Daacad Xumo










 
 
 
 
  Bendercaasi

Maxamed Nuur Fadal (HJ
)


Haddii gabay Billado leeyahay iyo baari lagu faano
Baxsow Ina CARRABEY yaa habeen kaa Ilaah baraye
Isagaba dar shalay soo baxay beretensiiyeene
Bender caasi baa loogu go'ay ina bidaarowe
Berinna ha la aasee nin raga baqaski waa ceebe
Intaan dunida gaal baaridihi dhigannin buugiisa
Bilaadkaba wax lagu daaqi jirey Baha xabuusheede
Haddaanaan bari fadhiyin rer Isaaq Boga ma maaleene
Bankana laguma foofsheen qoltida baarqabada weyne
Maadhiin bacleeyiyo rasaas baraha roobaad ah
Madfac bawleh iyo Rifle baan loo (beretensiyene)

Bismillaahi nimankii hubkii boobay baan ahaye
Kuwii beerka dhigay baan ahaa baaxadsooraha e
Baaruuddu nimankay maryaha baal jartaan ahaye
Banka Goray banaankii Xadeed Bohol dhanaankiisa
Beerweyso iyo dooxooyinkii buubku miranaayey
Barasankii Nugaaleed raggii boolyey baan ahaye
Ee ay haatan beeshiyo Farduhu uga bariistaane
Buuhoodle nimankii ka dhigay booddadaan ahaye
Nimankii wadaadkii ba'naa baacsadaan nahaye
Bilaa shaqalku booxaaligiyo baanisaha faanka
Naga badi Isaaq beenta iyo boolaxooftadae
Waxse baalku naga taagan yahay maalintii bedae
Barqa weerar dhacay geelashoo bookha laga qaaday
Barbar orodka raacdada markii boga la soo gaadho
Markay labada baallood tahee boogta kala goosta
Rag ninkii ba'naan noo arkaa Baadha dirirteeda
Basarkii Qureeshtiyo sidii Beder ku faallooye
Burmadkiyo lalabahaanu nahay buur la hoos galoe
Bulbulloow libaax iyo dhurwaa power kala roone
Haddii uu bulxamo aarku wuu bili cuslaadaaye
Waxan nahay rag lagu beegi jirey boqol ninkoodie

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com