Inkastooy ladaadyada baruur laqanyo daacayso
Leg ninkii cunsiiyay dishaa liidda doqoneede
Wax Laasima nin liitiyo haween laaxinkood badaye
   
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
Taariikh Kooban
Ammaan Dumar
Indha-badane
Gobannimo
Abaallaawe
Nasab
G u b a
Bender Caasi
Tolnnimo
Daacad Xumo










 
 
 
Abaaldhac

Maxamed Nuur Fadal (HJ)


Gabaygan wuxuu abwaanku u tirshey niman ay
tolhaayeen oo uu ku soo dhaweeyey East Africa oo
halkay lib iyo abaal ugu hayn lahaayeen gacan
qabashaadaas, ugu abaal gudey xumaan.
Ladnaantiyo nimcadu uunka way wada luggoysaaye
Lixdan aniga oo jirey tashiga laydha iga raacay
Iminkaan ladhkiisii hurdada ledis ka waayaaye

Nimankaan lo'daydii casayd laanta ugu duugey
Nimankaan dukaamada lukiyan laba labaw siiyey
Wax la liqiyo xoolaba kuwaan uga laxaad yeelay

Ee lacagta jeebka ugu guray lohonlohii caydha
Hadday aniga leebkiyo warmaha ii lisanayaane
Ma liibaanihii Diiriyaa loox u daabacaye

Waxba niman lilleyneynin bay luqadi raaceene
Waatay Laciinkii maqleen laababka lahaaye
Lafayariyo Caaraan wixi ku lumay weli i deyneyne

Kal laxiiba baan leeyihiyo laabta xuunshadae
Laxawsiga xigtada lay geshiyo limibsigaan eegay
Waa waxu rag igu laacayaa laxam dhaqaaqaaye

Markuu sida Lubaha qaawanaa ee leylka soconaayey
Eed luqufka qoodhaha dameer lulaya moodeysey
Haddii aan lingaxo oo qalbiga lahashaduu diido

Oo aanan luunkaba ka rogin lur ima gaadheene
Inkastooy ladaadyada baruur laqanyo daacayso
Leg ninkii cunsiiyay dishaa liidda doqoneede

Wax Laasima nin liitiyo haween laaxinkood badaye
Libgad iyo abaalxumona waa LAW u gooniyahe
Afar-Laba-Lix goor buu sidaa iiga loogsadaye

Maruun igama liibansannee way ladaab dhacaye
Haddaan maalintii hore lurriyo lur ima gaadheene
Alla labiyo-toban jeer miyay liidnimo i raacday
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com