Gobbaa laga sinnaa jeer abaar guuraysaa timiye
Nasabse waxad ku garataa habeen laysu soo galaye
Gadiidkii dhoweyd sow Isaaq qaar ma ganatoobin
   
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |


Taariikh Kooban
Ammaan Dumar
Indha-badane
Gobannimo
Abaallaawe
Nasab
G u b a
Bender Caasi
Tolnnimo
Daacad Xumo
 
 









 
 
 
 
  Nasab

Maxamed Nuur Fadal (HJ)

Maansada iskuma guubiyee waw gar tiriyaaye
Goldaloolo ii muuqataan guluf ku saaraaye
Gabnay kuma ahayn maantiyo ganban ahaantiiye

Inuuse haatan iga guurayiyo gaabis la imoodye
Waa waxay gunnuuda u barteen Gaadayaashunae
darkiise lagu gubtaa nin ogi dibuga guulaaye

Gildhigaan wax laayiyo rasaas gawle laga yaacye
Anays gaabiyee maan khalqiga gacan-togaaleeyo
Fallaadh gooban iyo maan gantaal gunugu liishaamo

Sidii Goolibaadh maan madfaca gawda kaga saaro
Gool ubadleh iyo maan sidii Aar wax kala gooyo
Bilaash looma guuxee halkuu galoba maan saaro

Gabiir nabada giirgiirtankiyo galangal laydheedka
Dhallin wada gadhle ah oo sidii bahal gadoodeysa
Nin waliba magliga giiji iyo galacyo dhaadheere

Gaalooftan iyo faan ka simman gadaya reeraaye
Garkaa iyo garkaa laba qoloo goobi kala gaadhay
Gebegebediyo qaylada markay go'aydu yeedhayso

Gorgorkiyo dhurwaagoo hilbaha gegan ku loolaaya
Halkaasaan nin geesiya fuluu kula gudbooneyne
Haddii waran la soo gano ninku guudmaraa baqaye

Gugoo da'ay ballida oo gingiman godamadoo buuxa
Gaaroodi roob helay dhulkoo gaxadhku dheeraaday
Nin waliba martida geed u waab gool intuu qalaye

Gobbaa laga sinnaa jeer abaar guuraysaa timiye
Nasabse waxad ku garataa habeen laysu soo galaye
Gadiidkii dhoweyd sow Isaaq qaar ma ganatoobin

Sow Gobollo badan looma deyn haatan gabadhooda
Sow inaan wax laga guursanayn talo ma gawdiiddo

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com