Dhaantada Ugadeeen intuu kula dhex meeraayo
Siduu dhaamo rer Webi intuu dhiilla gelinaayo
Alla dhoohanaa kiisa muu nagala dheeraado.
   
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
Taariikh Kooban
Ammaan Dumar
Indha-badane
Gobannimo
Abaallaawe
Nasab
G u b a
Bender Caasi
Tolnnimo
Daacad Xumo










 
 
 
 
  GUBA

Maxamed Nuur Fadal (HJ)


Gabaygan wuxuu abwaanku kaga hadlayaa laba arrimood
1. Qaybta hore waxay ka hadlaysaa gabadh niman isaaq ah u doonnanayd oo East Africa niman Daarood (DHulbahante) isku dayay inuu dhaco.
2. Waxay Jawaab u tahay gabay CaliDhuux(dhulbahante) uu tirshey oo uu habar jeclo meel kaga soo darayo iyo mid kale oo uu ugu jawaabay Qamaan oo ahaa

Bal dhexmariya reer webi inuu dhaamo ba' Xawaadle

Maxamed Nuur Fadal oo isgaadhsiintoo xumayd darteed labada gabay mar soo wada gaadheen ayaa Cali dhuux u jawaabaya isagoo Cali Dhuux ku leh "intaad nin kale guubaabinayso geelaagiibaa hortaada lagu maalayaa"
Wuxu yidhi Maxamed (allah ha u naxariistee):

Dhulkoo nabada arlada oo dhantaca dharab gu'oo hooray
Dhacadiid la jiifiyo ammaan dhayla hurudeena
Dharabka iyo roobkoon Ilaah naga dhantaalaynin

Fuluus dhagagaclaysiyo Mushteri loo dhungado saa'id
Ayaad sida dhurwaa uga kacdeen meel dhexdeenna ahe
Dhudhun iyo lixaad bays biddeen dhacaya reeraaye

Ragse intuu dhulkaa kala jiruu dhawris leeyahaye
Intay nabadu kugu dhawdahay dhuub macaan tahaye
Haddii lays dhexgalo waa dagaal wixii dhaboobaaye

Ninbase dhabeel wuxuu leeyuhuu dhiiri diriraaye
Dhawrgoosibaa idinka helay dhagidi maantiiye
Maydnaan dhiidhiyine waataa baqaha dhebel u yaacdeen

Afartaas halkaasaan dhigay ee dhidibka maw aasay
Ma ka dhilay hareeraha sidii dhebi la soo gooyey
Dhadhan iyo war gobi dheehatiyo dhaayin ma u yeelay

Dheel iyo cayaar umanan baran oo dhereg ma faalloone
Dhib iyo uurkutaallona ma qabin dhiillo ii timiye
Ma dhidbaday Dhammoow Xaaji fadal dhaxalki weeyaane

Gob la dhiriyey dheel kuma gashiyo dhuumashiyo tuuge
Dagaal dhicisa iyo ceebna wayskaga dhasiigtaaye
Dharaartoo cadbay dhagax riddaa lagu dhammaadaaye

Loo dhimey dhamoow Buunni iyo Malawgi dheeraaye
Hadday dhalashadood gaanji tahay dhuluma naafteene
Lo'da dhiinka weynliyo shayaakh? lama dhammeeyeene

Dhuuxii Xanfalley baan madheen sida dhalooleede
Dhabdaradda raggii talin jiraan wada dhuyaaleene
Dhafoorada day waa Ciise Weyd kaa dhukaansaniye

Afartaas halkaasaan dhigay ee dhidibka maw aasay
Ma ka dhilay hareeraha sidii dhebi la soo gooyey
Dhadhan iyo war gobi dheehatiyo dhaayin ma u yeelay

Dheel iyo cayaar umanan baran oo dhereg ma faalloone
Dhib iyo uurkutaallona ma qabin dhiillo ii timiye
Ma dhidbaday Dhammoow Xaaji fadal dhaxalki weeyaane

Dhedigoodku waw kala jiraan labada dhoomoode
Waa waxa rag dhuunta isku jaray dhirifka naagode
Dhafoor layska toogtiyo dil waw dhexidhsanaayene

Maantana DHulbahaanta ku lumay dhebi la moodiye
Dhamaasay qabaan duul haduu dhiil ku buuxsamoe
Dhul aynaan arkayn baa hilaax uga dharaaraaye

Dhaayaha wax kama fiiriyaan dhegana waa naw e
Iminkay tashiga dhaadayaan dhaafsanaa beri
Cali Dhuux dharbado reer Isaq waw dhug leeyahay

Wuxu weliba dheeraad ku yahay dheegga aan ahaye
Toljeclaha dhawaaqii la yiri waxan ka dhiifraacay
Ogadeen dhasheega iyo sidii ceel dhanaan noqoye

Nin waliba dhabada waa yaqaan loogu sii dhacoe
Waa kaa dhulmahantii baqtiyey dhamaya caanaaye
Dadku dhoobbi iyo ciidan waa saad u dheregteene

Dhibbaa lagu qabaa xoolahaw dhacan ahaydene
Dhurwaaba ka ciya meel libaax dhuunta gool jaray
Raq la dhigayna haadkoo dherguu dhidar ka muuqdae

Maadhiin dhacaayad naftii kala dhuyaasheene
Maad dhicisid waataad sidii dhir u tubnaydeene
Dhaantada Ugadeeen intuu kula dhex meeraayo

Siduu dhaamo rer Webi intuu dhiilla gelinaayo
Alla dhoohanaa kiisa muu nagala dheeraado.

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com