Cigaw daacad xumo waa waxa laysku dilayaaye
Waa waxa arlada dooriyee galiyay duufaane
waa waxa dareenkaba dhex dhigay dawaladii Yurube
   
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |

 
 
Taariikh Kooban
Ammaan Dumar
Indha-badane
Gobannimo
Abaallaawe
Nasab
G u b a
Bender Caasi
Tolnnimo
Daacad Xumo
 










 
 
 
 
  Daacad Xumo

Maxamed Nuur Fadal (HJ)


Cigaw daacad xumo waa waxa laysku dilayaaye
Waa waxa arlada dooriyee galiyay duufaane
waa waxa dareenkaba dhex dhigay dawaladii Yurube

Waa waxa dacwiga Kiimankii ugu dibboodeene
Waa waxa naftii dunida iyo dumiyay liigiiye
Waa waxa dakano raagtay iyo duuga soo fadhaye

waa waxa Xabuush lagu dagee daayacaa badaye
Waa waxa dagaalkii Cadwiyo keenay dibinjaaqe
Waa waxa dadkii Jaynaa dhalay loo daldalayaaye

Dabka baxaya dana sheegga iyo dooyada is dhaafay
Digniinaha la kala haysto iyo (Dibin la) ruugaayo
Dusha iyo baddaba ciidankaa dowga kala waayay
Waa waxa dayuurad iyo mayl loo dajinayaaye

Cigow daacad xumo waa waxa laysku dilayaaye
Dugaag baa ka kacay saaxil iyo dagaladeeniiye
Magac nimaan danaynayninoo wuxu cunana doonaaya

Oo daribta geeliyo ku mamay hilib dubaaxeedka
Dembma? aan ka yaabaynin baa laysu soo diraye
Dixdii dhimatay damashii Burciyo dooxyadii Herere

Kama di'in Danood iyo Nugaal dirirkii Cawleede
Docdii laga yimaadaba abaar diirran lagu sheegye
Wixii daarufley lumay hadday doodi ka cusbooto

Darsin baa u markhaatiya ninkii bixiya diinaare
Waa waxa dalaaq iyo wallaha loo dugsanayaaye
waa waxa daruur iyo rafacay deeqdii Eebahaye
waa waxa duqaydii caruur looga doorsadaye

Cigow daacad xumo waa waxa laysku dilayaaye
Daliilkii Qoraankiyo sharciga daayac laga yeelye
Dunna laguma qoonsado wuxu Daayin soo rogoye

Waa waxa nin duubiyo wadaad ugu duloobeene
Waa waxa Xuseen iyo dellegey danabkii Caydiide
Da'du yahay is damaloolintiyo daawashada guudka
Dawliilka dheer laafyaha ay dunidu eegayso
Nin kaleba dar xumadaa muuqta dan uma yeesheene
Dacwad lagu balamay iyo tolkaba iguma diideene

Duco waalid iyo baanu qabin daymo Awliyo'e
Diraacdii timaadana qolaa danab ku ciiraaye
Maantana dubihii wuxu ku dhacay nimanka Daaroode

Dembigii la falay uumiyii dulinka loo laayay
Teer iyo darwiishkii Bah-Geri diiftii kala gaadhay
Danabkii Cismaan iyo wixii dawladnimo suulay

Dahabka iyo lacagtii sidii digada loo xaadhtay
Iyadaan dagaal weli ka dhicin dhiigna lagu daadin
Waa waxay dabkiyo saanadii duur u galiyeene
Hadaan duulba duul xaasidayn dirir ma waayeene

Cigow daacad xumo waa waxa laysku dilayaaye
Dukaamada la xidhay xoolaha bahalka loo daayay
Dilka cadawga dibindaabay iyo daafaddiyo jeelka

Dacaska iyo gaajada rag kale uma dulqaateene
Haddaynaan Durriyadii ahayn xumo ma diideene
Ma damqado nin duul iyo Jahaad diric u haystaaye

(Isagaabaa daari Jaada diibo xoogsadaye)
Xaajada daboolayd intuu danab ka ciidmeeyay
Xaajada rag wada daaran yahay doobir xumadeeda

Idinkaan duuyadiisiyo naftaba dayro ka ahaanne
Ama dalab yar kaga qoonsataan dalagsanaanteeda
Duleed laga helay iyo si kale loogu daray yaabe

waa nimanan duunjiga reer Isaaq diir isugu oolle
Daabadaha waaweyn hadaad daanka wax u siiso
Maroodiguba waa soo dabcaa dib u rabaysmaaye

Haday debada waayaha bartaan daaqa iyo ayda
Ma soo didiyo marku dibjiray daacufaha aare
Dugaaguba ma cuno xoolahay wada dibboodaane

adse siinta waad kaga dartaa durugso mooyaane
daraad iyo waxii shalay ahaa maanta kaa dadane
Sow waxaad ku daysaa ma jiro deris walaalkaaye

Sow diinta Eebbiyo sharcigu kuma daboolaayo
waxad tahay nin daran oo ka daran duur shabeel galaye
Durba waxad ilawdaa ninkaad doorkan kulanteene

Dan kuu sheegtay iyo xaajo aan duulna kala gayne
Doc kastaba duqeeyee hadaanu hadal ku deeqaynin
Oo aan macnaba kaa degayn durugso mooyaane

Dumbuqa iyo anoo doonta oo dirira mooyaane
wax kalee daweeyaa ma jiro daalin xoogsadaye
Waataan degmada kaala baxay duhur dharaareede

Waataan ku doortee tolkeen kaa duraansadaye
Hadii aad abees duuban tahay daahir iyo baadin
Ood dacar la qooshiyo sidii dib u qadhaadhaatay

Iga durug dabaan kula shitaanan dib kulaalayne
Iga durug dannigu yuu i gubin diirka oogada'e
Nin qabiilo daba joogsata oo doortaybaa tahaye

Dusha waxa lagaa saarayaa dunida jeexeede
Doqoniimo kaagama baqiyo daaduf iyo liide
Ha yeeshee dabcaan kugu iqiin diiqa abdikiiye

Dacdhurkiyo inaad haysatoo daac basra haatan
Iyo doqonta how fiirsan'e daadsha hadalkooda.
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com