Q O R A A L

 Cidi ma ku shegtay

  Ammaan Geel

Laguma weydiin

  Jug ma ridey

Waranka soofe

DiraDire

Af kala qaad

Kala qolo

 

 

 

 

 

 

 

Ismaciil Xayd Xirsi "Aflow"

HA - Sacad Muuse Ammaan Geel

Somali Poetry



Gabaygan wuxu Ismaaciil ku ammaanayaa geela oo ah lafdhabarta nolosha reer guuraaga Soomaalida.

Macnuu gabaygu kala leeyahay iyo gar iyo miidaan
Layskuma mardaafo ee haddii aan miimka ka abaaro
Hadba xarafka kii muunad leh baan madarka keenaye
Kolkii samada mayaygoo curtay iyo mooya laga waayay
Ee adhi maqaar buu noqdee lo'ina meermeertay
Maylaha go' qooqani kolkii uu micida ruugaayey

Margiyaalahaa weehadeey kuu manfac ahaaye
Mulaax waxay fadhiday Jaamacow madaxa Tuureede
Iyada iyo maroodigu suday miri ogaayeene
Kolba se maangadii oomanbaa may la tu'iyaaye
Kaliil murugtay hawd maakhiruu magac ku yeeshaaye
Abaar muruxday jiilaal manqaxay geedo midhif beelay

Ikhwaanow magaalada dhashiyo waa macdaarada e
Miska dhabarka Caliyow haddii maraqa loo saaro
Marko loo dhabaan dhabay kolkii laga malaasaayay
Muutka laga cadee ??? sida mahiigaane
Maydh dibada rooray dhashay iyo may ciskan irmaane
Minawaarka xooga leh kolkii haanta lagu miisay

Moodhi kaar sidiisuu biyaha mirir ku gaadhaaye
Mardabaanaduu dhaansadaa milicda jiilaaale
Sidii ciil ma'awiya reerahuu maasho qoyn jiraye
Mariykaanka waaguu xarbiga mihindiska u saaray
Miyi kuma jihaadin ee kufriguu miciinsadaye
Midaanka Sheekh iyo Burco iyo marinka Oodweyne
Marmar taaganlaw waa shan qaad meel walba u kacaye
Kolba se moosinkuu qaadayo ayaa laga macaashaaye.

Malkadii Hargeysa iyo Jigjiga moodka waxa keenay
Ee Adari Maarsay ka dhigay muranku waa ceebe
Waa muruq addoonlow rartiga madaxa waaweyne
Murjin se lagama yeeline cididan laysku wada maaray
Mudka iyo sakaarka iska baxay maylinada hooray
Malkada lawga kuruskan mudha ah maydhaq iyo duudka
Margiga taagan luqunta kolkuu maaga fidinaayo

Isha madow, dibnaha loo melmelay, dhegaha loo miiqay
bal masaalka loo uumay ayaan magane yaabayaaye
Moohaar se ma qaadeen cagtan oon mar u balaadhnayne
Intaas oo macnuu leeyahay ood maanta caasidaye
Markab buu se aduunka u yahay macalinow geele
Mulikaadka adigaa sita ee waa murkoo kale e

Musheekhdaba su'aal oo wixii kaleba waa moode
Kol waxaan muquunaba galayn sidigta maageedh e
Inaan ???? laga maag baxayn waa laguu marag e
Wax se naga maqnaa dhawr kun iyo mi iyo dheerade
Nin waliba macniga loo dhaqdau ayuu maanka ku hayaaye
Anagana maqaafo iyo colka ayaa lagu malaystaaye

Riyaha macaan laga helaa maradu go'ysaaye
Waxa se qalinka meemka iyo ra'dii loox u marinaysay
Maqribka iyo al_laylka waxaad ugu madiixaysay
Mashaysii ardayda waa cilaan in aad inaad ku maashaaye
Muraadkaa ku toos Awgayow ha i makeekiyine

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com