Q O R A A L

 Cidi ma ku shegtay

  Ammaan Geel

Laguma weydiin

  Jug ma ridey

Waranka soofe

DiraDire

Af kala qaad

Kala qolo

Carruurtii Rasuulka

Af-la-nacay

 

 

 

 

 

 

 

Ismaciil Xayd Xirsi "Aflow"

HA - Sacad Muuse Cidi Ma kuu sheegtay

Somali Poetry

 




Ismaaciil Xayd Xirsi oo "Aflow" ku magac dheeraa wuxuu ahaa abwaan weyn oo suugaan-yahamiinta Soomaliyeed ku halqabsan jireen. Cabdillaahi Suldaan Timacadde oo ku halqabsanayaa waa kii lahaa;

Mudanoow Afloow iyo sidii Muxumud maw sheegay

Muxumudna waa Ninkii caanka ahaa ee Muxumud Liibaan Jadeer oo ahaa Macallin maansa yahayn ah.

Ismaaciil Xayd oo abti u ahaa Maxamuud Cabdillahi Singub ayaa isaga oo ceelka Bullaale fadhiya oo Ogaadeen gabay shubayaan ayaa rag u qaateen inuu baqayo markuu gaabsaday. Cabdillahi Ciise ayaa kacay oo yidhi "wixii gabay aad Ogaadeen u tirisay haddaad tirintooda ka baqdo inaan Xabad kugu dhufan bay intaa walaashaa iiga furan tahay".
Markii intaasi dhacday ayuu marshey gabaygan oo uu libinta Isaaq (siiba Garxajis oo libino dhawr ah ka hayey ogaadeen)ku tilmaamayo.
Wuxu yidhi Ismaaciil, Alla godka ha u nuuree (Gabaygu weli ma dhamma)

Cismaanoow adeer maansadaan, Carabiyeynaayey
Waanigii casilay meesha iyo, caydhki Karameede
Calaamooyin igu baaridey, baan idin cashaysiine
Ka curaagta caawaan sidii ceel idiin dariye.

Rag ninkii Camada loo dhigiyo, cadadka Yaasiinka
Cashar dhigato maal laga dhacaa, waaba caariyo'e
Cabdi Dhariyo Sheekhaash kolkaan, ceeriga eryaayey
Ee an caanahoodii genbiyey cidi ma kuu sheegtay.

colkii xigayna reer Magan kolkaan sidii coomirka u jiidhay
Maarraha casuustaleh kolkaan, caydhka kaga yeelay
Caska waaga waataan la dhacay, curadadoodiiye
kuwuu haadku ciirada ku rogay cidi ma kuu sheegtay

Colkii xigayna waataan dul baxay, culustii Liibaane
kolkaan cududa weynoow ratiga, caymanka u gooyay
Een adhi camuudaasa helay cidi ma kuu sheegtay.

Colkii xigayna reer Jiisowbaa, caydh la yuururaye
kolkaan beel cidaadaha ka dhigay, sida colkii Laaran
cawayskiiba waataan dul sudhay, calammadaydiiye
Cartan ololka goortay sidii, culimo eedaantay
caatada markay weehadeey, cabasho ooyaysay
kuwii faanka caado u lahaa, way ka carareene
Calaydh iyo bankii Qaydar baa, loo cadaan wadhay
Rimaydii cagaagtiyo nirgaha cidi ma kuu sheegtay.

Colkii xigayna waataan ka dhacay, cuudkii reer Dalale
Cayuuntiina shaashka leh markaan, cadho u qaadayay
Casarkiiba waati aan ku furay calamadaydiiye
Calaydh iyo Bankii Qaydar baa loo caddaan wadhaye
Markay baarqabbadu caranayeen cidi ma kuu sheegtay.

Caydii Jiciir lagu dhuftiyo, cabashadii gaadhay
Ciyaalkaa ku tuur tuuri jiray, gobabki cawlaaye
kolkaad cimilka wada oodateen, sida midgaan caydha
Eed culuqa soo doonateen cidi ma kuu sheegtay.

Cashiiraanu nahay baad biyaha, kaga cabbayseene
Cadradihiina goortii la waday, ceelka dhiniciisa
Maherkaan Caqdi ahayn kolkii, lagu ciqaabaayay
Cawlyahankuu goortuu firdhaday cidi ma kuu sheegtay.


Kolkii Caabud-Waaqiyo xer iyo, Gaadsan la cantuugey
Ee Ina Caruus iyo la diley, Caalinkii dunida
Nin Cibaaralii kama gabyee cidi ma kuu sheegtay.

Cukur iyo markii reer Garaad, lagu ciyaaraayay
Candharaafyadii baa hadhiyo, reer Cismaannada'e
Haaruun kolkii lagu cartamay cidi ma kuu sheegtay.

Niman baanu caadh go'a lahayn, Caliyo Haaruune
cabdilaha cadhaan kula dhacniyo, Cumar rugtiisiiye
Haddaan awrku noo ciidan galin, Camir ma gaadhneene
cagtuna way dalooshaa sidaan, ciid u weeraray'e
Cartan ololka goorti ay sidii Culumo eedaantay
Car yay dhiciya goortay lahayd cidi ma kuu sheegtay.

Casarkii mataanaha markaan, cagacagaynaynay
Een caaradhuuubtiyo Jigraha, idinku cayn gooyay
Cishriin nin baan lagu ogayn, camalkii jiilaaye
Caraale iyo Jeeraar markaad, culimo moodaysay
Cusbaalay markii la idin baday cidi ma kuu sheegtay.

Cidhifka Dooya, ceeliga Sammane, wabiga coonkiisa
Caruusada habeedda leh markuu, Ciidagale dhaafay
Ee doosha la idiin cuskaday cidi ma kuu sheegtay.

Nin carceeray baan ahay afkaa, layska calashaaye
Cadda keliya uunbaan ka dhigay, curubti Daaroode
Cankana maalinbaan idin gashaday, sida Caddiimeede
calaamooyinkaasoo dhan oon, cidina diidaynin
Waxaan idin caddibay waa kolkaad caasi noqoteene
In warkaygu Caw-Baarre tegey cidi ma kuu sheegtay.



Updated :03/26/2010

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com