WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |


CidiMaKushegtay
Laguma weydiin
Jug Ma ridey
Waranka soofeeya
DireDire
Af Kala Qaad
Kala Qolo
Ammaan Geel
 









 
 
 
Laguma Weydiin

Ismaciil Xayd Xirsi "Aflow" (HA)

Beela Ciidagale ah ayaa ogaadeen dhuunta u galay. Berigii Danbe ayay inta beelo firxada ka daba tageen ayaa ninba waa maaline laga gol roonaaday. Nin Deyl Yogol la odhan jirey oo Abssame ahaa ayaa gabyey oo yidhi Isagoo ciidagale ku diganaya Ismaaciilna la hadlaya.
  Ismaaciil Xayoow laba halaan xalay ku taawooday
Waagaad xaggiinnaa u kici xaraf an kuu sheego
Xubbina iiga qaad tahaydu waa sida xariireede
Sow kama xog-haysaan kuwii xuurta la cunsiiyey

Sow kama xog haysaan kuwii Xaraf u daaduumay
Sow kama xog haysaan kuwii Faras xabbaadhaayey
Seeddoow haddaan lays xasdeyn xoon gobaan nahaye
Anagaase libintii Xignee xuuxda naga daaya.


Ismaaciil Xayd Xirsi "Aflow" waxay la noqotay inuu gabaygaas ka jawaabo wuxuuna tirshey tixdan;

Deyloow wanaagsane haddaan weedh yar kuu celiyo
Inta Gabayga Waadhoolisa yaan waaridkeed ahaye
Waxoogaa yar lama Laaqiyo ee waan warwariyaaye

Anigu weedha waan daalacdaa sida wadaadaaye
War biyo leh sidaad dadkuba uga Wiyeertaaye
Waanjuu haddii Ceel la daro Wiig ma madhiyeene

Waraabuu hadduu Neef la dhaco waa Winjiiriyiye
Waxna ma taro dharaartay xabbadi daba warraaqdaaye
Wadartii la jaray Ciidagale laguma weydiinne

Halihii wadeecada ku galay laguma weydiinne
Nimankii Amxaaruhu Wanjalay laguma weydiinne
Habrahaydun Waajuuciseen laguma weydiinne

Kolkii reer Wacays lagu wab yidhi waaga berigiisa
Iyaba waa walaalkiin haddaad u welweleysaane
Waasaca Bullaale iyo halkiyo Waraqa Hooyaale

Weelkooda reerihi la qubay Ala miyaa weertay
Wedkiinuba qariib inuu yahaan kuu warramayaaye
Wadaadadan gaboobiyo Hablahan waa walbaba ooyi

Haddaan Wariiddadoodii la layn Ma aanay Weerteene
Waab-Cawska naagaha galaa ma iyagaa waalan
Mise idinka Wiilkii la dilo Waxar yar baa dhaama

Waleensina u guura oo Ratiga Weelka lagu qaadye
Waabayda kuu qooshan iyo waxa laguu doonay
Waxyar i dhawr waraqbaa la diri wiiggan dabadeede


Colaadaasi waa sii socotey waata marka Danbe Ciidagale inta libaystaan uu Qawdhan ka gabyayo dagaalkaas.

 

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com