Waranka soofeeya
Ismaciil Xayd Xirsi "Aflow" (HA)
Ismaaciil Xayd Xirsi (Afloow) ayaa loo masaafuriyey Xabsi ku yaal
Cylon ama Siralanka ka dib markii lagu eedeeyey inuu laba jilib
isku diray. Ismaaciil oo la yaabban oo garan waayey meesha la
geeyey ayaa gabay tirshey ay erayadiisa ka mid ahaayeen:
Eeboow geyiga Aakharo iyo Dunida
guudkeeda
Miduunbay galladi noo ahayd inad na geysaaye
Goodaaddo dhexe waa halkaan galabta joogaaye
Nin Xadhigii u dhamaaday oo meel kula jira ayaa yidhi waan tegayaa
markasuu sii farayaa gabaygan. Nin ay Ismaaciil Walaalo ahaayeen
oo fariid ahaa ayaa markaa geeridiisa loo soo sheegay ayadoo nin
uu saluugay oo walaalkiis ahi reerihii u hadhay. Gabaygaas wuxu ku
yidhi abwaanku Alla ha u naxariistee;
Walbahaari maayoo naftani waaxidkaw talinne
Walaala iima joogoo uumiyii waa horuu lumaye
Hadduu Faarax waylaaqtan geli ma an wigloodeene
Waddadii Hargeysiyo haddaad qabato Waaleedda
Warkaw lali wejiga Reer Xirsiyo wadarta Reer Yuusuf
Waabka ugu sheeg Beesha oo weeran baad tegiye
Haddaad Shidho waraarkeed gashaan Weyda ka xishooda
Wanka weyn ninkii heli karoow Waxarka haw leexan
Wab markaad ka siisaan Rijaal mari wadiiqiinna
Yaan laydin Wadhoolinin ee dhiiba weydaarta?
Ka wareegta oo Reer Isaaq weheshadoo raaca
Waxba hadaydnan noo dilin cabbaar Waranka soofeeya
Warqadna nooga jara Gaaladiyo Waalligiyo Saydhka
Jeeroon Warfaayoow nimaad Wiira la hagoogta
|