Q O R A A L

 Cidi ma ku shegtay

  Ammaan Geel

Laguma weydiin

  Jug ma ridey

Waranka soofe

DiraDire

Af kala qaad

Kala qolo

Carruurtii Rasuulka

 

Ismaciil Xayd Xirsi "Aflow"

HA - Sacad Muuse Waranka  soofeeya

Somali Poetry



Ismaaciil Xayd Xirsi (Afloow) ayaa loo masaafuriyey Xabsi ku yaal Cylon ama Siralanka ka dib markii lagu eedeeyey inuu laba jilib isku diray. Ismaaciil oo la yaabban oo garan waayey meesha la geeyey ayaa gabay tirshey ay erayadiisa ka mid ahaayeen:

Eeboow geyiga Aakharo iyo Dunida guudkeeda
Miduunbay galladi noo ahayd inad na geysaaye
Goodaaddo dhexe waa halkaan galabta joogaaye


Nin Xadhigii u dhamaaday oo meel kula jira ayaa yidhi waan tegayaa markasuu sii farayaa gabaygan. Nin ay Ismaaciil Walaalo ahaayeen oo fariid ahaa ayaa markaa geeridiisa loo soo sheegay ayadoo nin uu saluugay oo walaalkiis ahi reerihii u hadhay. Gabaygaas wuxu ku yidhi abwaanku Alla ha u naxariistee;

Walbahaari maayoo naftani waaxidkaw talinne
Walaala iima joogoo uumiyii waa horuu lumaye
Hadduu Faarax waylaaqtan geli ma an wigloodeene

Waddadii Hargeysiyo haddaad qabato Waaleedda
Warkaw lali wejiga Reer Xirsiyo wadarta Reer Yuusuf
Waabka ugu sheeg Beesha oo weeran baad tegiye

Haddaad Shidho waraarkeed gashaan Weyda ka xishooda
Wanka weyn ninkii heli karoow Waxarka haw leexan
Wab markaad ka siisaan Rijaal mari wadiiqiinna

Yaan laydin Wadhoolinin ee dhiiba weydaarta?
Ka wareegta oo Reer Isaaq weheshadoo raaca
Waxba hadaydnan noo dilin cabbaar Waranka soofeeya

Warqadna nooga jara Gaaladiyo Waalligiyo Saydhka
Jeeroon Warfaayoow nimaad Wiira la hagoogta



 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com