Cidi ma Kuu shgty
Laguma weydiin
Jug Ma ridey
Waranka soofeeya
DireDire
Af Kala Qaad
Kala Qolo
Ammaan Geel
 










 
 

Af Kala Qaad

Ismaciil Xayd Xirsi "Aflow" (HA)


Cabdi Gahayr iyo Camanje ayaa isu gabyey markaasaa Camanje tirshey gabay hal-xidhaale ah. Cabdi Gahayr uma jawaabine wuxu yidhi ninku aakharuu ka gabayey oo anigu u gabyi maayo.

Ismaaciil Xayd Xirsi oo Berri-Carab ku maqan ayaa loo sheegay oo la yidhi nin Camanje la yidhaahdaa soo baxay. Gabay dheerbuu soo diray oo laga hayo;

Haddii Wiil Sinsaara u duwa oo Sikhina loo waayey
Anigaa sibsibadaw biyeyn oo waa saqiir dhalahe
Igu sima anigaa Caabbiyoow la ila sugayaaye
Iskana seexda Suuqii halkiyo Saadanbaan imanne



Camanje intuu iska tegey buu yidhi;

Wallee kuguma sugo saaxiryohow Seyladdii Herere.

Gabaygan waxa lagu khaldaa gabay uu lee yahay Xaaji Cali Geelle. Dad badan baa labada gabay isku dhex qasa oo markaa ka dib marna Afloow siiya marna Xaaji Cali Geelle. Intii tamartayada ah ayaan isku daynay inaan labada gabay kala gurno oo Abwaan walba intiisa goonni ugu xaradhno.
 

Afar Boqol ka badan maansadaan uurka ku hayaaye
Isaaq iyo Ugaadeen haddii laysu soo urursho
Ninka amiga maahee gabyaa waa af-kala-qaad

Hadday Ayra Geel kuu dhashood waaya badan eegto
Uumiga Kaliileed hadday Aammineey curato
Oo ibaha Naasaha la jaro waa af-kala-qaad

Markabkoo Alleyl dhacay hadduu Shooladda afuufo
Eglan iyo Walaa buu maraa Toban ayaamoodee
Kol haddii Ingiinku u fakado waa Af-kala-qaad

Nin Makhaaxi iibsadey haddii loogu iman waayo
Goortii Albaabada la xidho waa af-kala-qaad

Awr badan Waraabuhu hadduu waa Ajale laayo
Ma uu aamusnaado ee kolkuu uubatada qaado
Kolka Aarka weyni u yimaad waa af-kala-qaad

 

 
     
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com