WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |


CidiMaKusheegtay
Laguma weydiin
Jug Ma ridey
Waranka soofeeya
DireDire
Af Kala Qaad
Kala Qolo
Ammaan Geel
 









 
 
 

Jug Ma Ridey

Ismaciil Xayd Xirsi "Aflow" (HA)

Geel Dhalma-Badane la yidhaahdo ayaa Ogaadeen laga dhacay kaasoo ka horreeyey kii Ogaadeen dhaceen ee Indhabadane. Ismaaciil intaan Geela la dhicin ayuu ku guubaabinayaa tilkiis inay Geelaa ogaadeen dhacaa wuxuuna yidhi;

Iyadoo Huruudlaa la dhigay Heeshigii Madale
Anuunbaa huqdeedu i dishee hadiba maysaane
Hul-Guduudan goortay tagtaa la higsan doonaaye
Soo hoyatey Hoobaan ninkii heli karaayoowe.


Markii Geelii la dhacay buu yidhi;

Jidhidii Abuuriin waxaan Jiida ka hayaaba
Jimcahay aroortaba waxaan Jemel ilaashaaba
Joomaha Xagaagii waxaan juuc u mudannaaba

Sida Aarka joofka leh waxaan ugu jibaadaaba
Jirka Weyni goortuu da'ay ee Juuca lagu guuray
Jug ma ridey sidii Dawladeed waan u jeel qabaye


Hal Geelii ka mid ah ayaa Ismaciil u socon weydey oo ay soo Hitiqiyeen. Hashii markay Sabadii timi ayaa nin Ina Nuur Xaashi la odhan jirey kaga murmay Hashii markaasu yidhi;

Saq Dhaxaadka Nuuroow Hashuu seleley Maadhiinku
Sibraheeda Maarruhu Hashuu Saalo dhiaganaayey
Bil Siddeed ah Nuuroow hashaan socod libaaxyeeyey

Markuu fuluhu saayirey hashaan saymo bahal yeeshay
Soddon reer Wajaale ah Hashaan Subax u liishaamay
Sabadii markay timi miyaa samay la ii sheegtay


Amrkuu intaa yidhibaa Nuur Xaashi yidhi geelayga Toban halaad iyo Hashii kala soo bax.

 

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com