WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |


Cidi ma ku shgty
Laguma weydiin
Jug Ma ridey
Waranka sofeya
DireDire
Af Kala Qaad
Kala Qolo
Ammaan Geel
 









 
 
 

Diredire

Ismaciil Xayd Xirsi "Aflow" (HA)


Laba Jilib oo Sacad Muuse ah ayaa nin kala tirsanaysey. Ninkaas oo gacanta xabshida ku baxay waxa qoladii laga dilay ku eedaysay qolada kale inay iyagu Amxaarada ku direen. Ismaaciil Arrinkii waxa uu ka tirshey gabaygan oo markii uu tirshey la isku laayey. Markaas ayaa la dacweeyey Ismaaciil oo xabsiga loo taxaabay Isaga iyo Nuur Xaashi iyagoo lagu xidhay Xabsi Cylon (Siralanka) ku yaal.

Galawgaw Alaakiya col aan wax uga oognayne
Aniguna halkii eed leh waan ololinaayaaye
Indhaweydba waan aamusaye dhamacda maan oogo

Maan uumiyaha kala fadhiyey Eebadaw rabiyo
Reer Shiil Alaalaha ka badan Ubaxa Geedaaye
Hadana Awrta reer Geelle iyo oodankay tegiye

Iraada-Alla waa niman gacmaha Eebbahay xidhaye
Ulla tuuri maayaan oo horaa loo ishaaqsadaye
Awlaxa Jibriil iyo ka yari ood ma jebiyaane

Afka duubye Heebaan Jikraha hayska iibsado'e
Waa loo Abaabaynayaa Aabbahood maqanne
Waana loo Afjaaqaye Kufrigu maba ogaadeene

Afka Qaydar buu joogey iyo Adhaxda Guuyoowe
Haddaan niman Asiib iyo ku noqon Malag abraaraaya
Maxaa Ugun Dhurwaagu ugu cunay amar miyaa geeyey


 

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com