Q O R A A L

 Cidi ma ku shegtay

  Ammaan Geel

Laguma weydiin

  Jug ma ridey

Waranka soofe

DiraDire

Af kala qaad

Kala qolo

Carruurtii Rasuulka

Af-la-nacay

 

 

 

 

 

 

 



Ismaciil Xayd Xirsi "Aflow"

HA - Sacad Muuse Aflanacay

Somali Poetry

 




Gabaygan oo ku magac dheer Af-la-nacay wuxuu Ismaaciil Xayd
Xirsi(Aflow) tiriyay ka dib markii Ogaadeen laga soo dhacay Geelii la magac baxay AFlanacay ee loogu soo aaray Geelii Ogaadeen dhaceen ee Indha badane.

Waxaanu yidhi isagoo dibaaqaya dhoohanaanta Ogaadeen:

Nin ilawsan godobtiis Xarbow, aayaatiin malehe
Aflagaadada iyo caydu, waa eray inoo yaale
Ninba maalintuu adagyahuu, ku istareexaaye
Afar oday qabiil kala tirsaday la isu aaneeye
Ugaas iyo ragii nagala baxay waa ilmaadeere
abtirsiinyadooduna illeen waa, ururta guuleede
Annagase awrkibaa noo bixiyo agabkii saarraaye
Allayliyo Allaylehe bagaan ololshey baaruudda
Aflanacay bagaa lagala tagay idhamadii qaydar.


Markii Sacad Muuse aarsaday ee geelii Aflanacay Ogaadeen ka taabeen ayuu abwaankii weynaa ee Salaan Carrabey (1850 - 1943) tiriyey gabay eraydiisa laga hayo.

Aflanacayba Nuur xaashibaa oodahaw rogaye
Ha aarsado nin ragi waan jeclaa inuu adkaadaaye.


*Nuur Xaashi wuxuu ahaa abaan duule dagaal yahan ah oo aad looga tix galin jiray dhamaan dhulka somalidu dagto wakhtigii uu noolaa. Waana ninkii uu Ingiriisku Srilanka u mastaafuriyay isagiyo Aflow markii uu is yidhi hadii uu la heshiiyo Sayid Mohamed Cabdile Hasan wadan way kaa saari doonaan.


_______________
Waxa ku deeqay
Abdilahi Ali Ibrahim (Sabeyse)













M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com