Ma qoyaamo qudhicii qallalay, qaydhabnimadiiye
Anuunbaa qalbi adaygayee, qanacday laabtiiye
Qolof geed ku taal baan cuniyo, qamaddi xuubkeede
Qanjidh baan cad moodiyo, waxaan quudasha lahayne

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Taariikh   |
 
Qalbi adayg
Ma dhigmaan
Wadaadyohow
Kunkodaan is dhaamin
Xubeera
Cakuyeey
Tanganiika
Casayr Cali Aw Aadan (HJ)

Gabaygan wuxu abwaanku kaga cabanayaa qolo uu malaha is yidhi ka guurso hayeeshee uu dhibaato kala kulmay.

Inkastood Quruush lacaga, iyo qaalmo badan dhiibto
Qurux waxa leh, tii Eebbeheen kula quweeyaaye
Qabno sedo midbaan kuu lahayn, qayr iyo ijaabe
 
Qudh iyo qabiilaba haddii, lay qaddarin waayey
Qadhaadh iyo kulbaa lay tusiyo, waxan ku quustaaye
Hayeeshee waxaan anigu qabo, waan qarsanayaaye
Ninnaan hay qodqodin waanigaa, qayrkay hoos maraye

Qusur baan cagaa daray intaan.... lahaaye
Qaxar baa naftaydii diliyo, qoomammiyo ciile
Qalbigayga waataa dab iyo, qiiq ka karayaaye

Qolo kale haddii ay tihiyo, qaranka Daarooda
Wallaahaan qasiyaaddaan dhigaa, qara yaraateene
Qabdhacdaa horaa aabbaheed, qiima dhici laaye

Qammaarbaan cayaaree ma helin, qaradki naagaaye
Qaraamiga maryaa jeexayaan, qaabaddood falaye
Qamribaan caboo taladi, waa iga qalloocnayde   ------->(wuxu ka wadaa sidii qof qamri cabsan bay taladi iga qaloocatay)

Ma qoyaamo qudhicii qallalay, qaydhabnimadiiye
Anuunbaa qalbi adaygayee, qanacday laabtiiye
Qolof geed ku taal baan cuniyo, qamaddi xuubkeede

Qanjidh baan cad moodiyo, waxaan quudasha lahayne
Qabno doogle iyo ways xigaan, qayd abaarrihiye
Alla qaaya weynaa nabsiga qaararka i saaray.
Copyright 2000 - 2004  HoygaSuugaanta.com