Kufkiin maaha taaj iyo billada, kiinku soo diraye
Kuul baa idiin xidhan sidii, kuray carruureede
Sidii xoolo kiis loo wadoo, la isu keenkeenay
Kunkoodaan is dhaamine Caloow aniga way koowe

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Taariikh   |
 
Kunkodaan is dhaamin
Ma dhigmaan
Qalbi adayg
Wadaadyohow
Xubeera
Cakuyeey
Tanganiika
 
Casayr Cali Aw Aadan (HJ)

Casayr, Alla ha u naxariistee, wuxu ka mid ahaa ciidamadii Ingiriiska oo ay ku wada jireen Suldaan Cali Muuse, Allah ha u naxariisto dhammaantoode. Gabaygan inta koobani naga soo gaadhay wuxu abwaanku is barbar dhigayaa ciidamadii Ingiirsku iyo Talyaanigu kala tababareen isagoo dhaliilaya qolyaha Talyaanigu tababaray wuxu yidhi Abwaanku:

Nimanyohow kas baydnaan lahayn, waana kibirteene
karuurka iyo daribtaydin hodiyo, kalaxa caanaaye
Iyo kibista muufaysan, iyo koobka shaaha'e
   


Kulka laysla maray Marsey, iyo Kaardiffiyo Baarlin
kabaallada ku jabay Paris, iyo Kiimanka idlaaday
Annagana kuwii naga tegaan, kaw ka soo noqonne

Kaar iyo xanuun lalama ledo, kaalintii Herer'e
Naagaha kurdadihii gubee, kiribki googooyey
Kufayeeyda iyo hoogey, iyo kadayda yeedheysa

Kurbadiyo shidada aadanaa, uma kacaysane
Kabrifaaya? uma jiifsataan, karin cidhiidhyoone
Ki-Aarku meeshuu tegaye, la isku kaw siiyey

Waxad tiin dar aan loo kaxayn, kooska leebiga'e
Karre iyo Berdaalaad sidii, kabadhe joogtaane
Kufkiin maaha taaj iyo billada, kiinku soo diraye

Kuul baa idiin xidhan sidii, kuray carruureede
Sidii xoolo kiis loo wadoo, la isu keenkeenay
Ama kabo calfa'a oo midgaan, karaya loo geeyey
Kunkoodaan is dhaamine Caloow(*) aniga way koowe

* Cali = Suldaan Cali Muuse - Suldaankii HJ (Raximahu-Laah) oo markaa saajin miije ahaa.
Copyright ©2000 - 2004  HoygaSuugaanta.com