Casayr Cali Aw Aadan (HJ)

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Taariikh   |
 
Ma dhigmaan
Qalbi adayg
Wadaadyohow
Kunkodaan is dhaamin
Xubeera
Cakuyeey
Tanganiika
Ma Dhigmaan

Gabaygani wuxu ka mid yahay tixo dhawr ah oo uu Abwaanku kaga cabanayey
qolyo uu islahaa ka guurso balse aan si fiican u geli oo uu ku guul-darraystay. Gabaygu ma dhamma


Nimanbaa dhawaaqoodu yahay, dhediyo ceeryaane
Iyo dharabka subixii dhiciyo, dhacanta dayreede
Oo aan waxay rag is dhahaan, kaga dhabaynayne
Dhawaan baradku haasaawuhuu, midhadh ka dhaafaaye
   
Isagoon dhammayn buu kacaa, qolo ku dheehaaye
Dhextaalna uma yeelee tixaha, waysku dherershaaye
Anna wawga dhaar galay, inanan gelin dheeldheele
Bal dhegeysta caawana halkaan, dhigayo baaruudda.

Dhuyaciyo dharkaynka iyo xagar, dhamac ma yeeshaane
Ma dhigmaan dhalool jilicsaniyo, dhuux-casaa Qudhace
Ma dhigmaan dhabeel iyo basari, dhaqashadii reere
Ma dhigmaan dameer dhiica leh, iyo dhaabanow Xamare

Ma dhigmaan gureystaha?? dhergiyo, halaq dhalaalaaye
Ma dhigmaan riyaha dhoobka le, iyo sidigta dhaameele
Ma dhigmaan go' dhiisooda, iyo dhuga xariiraade

Ma dhigmaan......... iyo Dheemman iyo luule
Ma dhigmaan dhistii daarta iyo dhacanta Oodeede
Ma dhigmaan addoon dhebedle, iyo dhalantidii Seede

Ma dhigmaan Garnayl soo dhiciyo, dhagac la tuuraa'e
Ma dhigmaan dhibtaan soo mariyo, dhaanska lay tumaye
Dhaq-dhaqaaqu wuxu ii ahaa, laba dharaaroode

Sidii dhaawac kacay baan hadhkii, soo dhabiil fuqaye
Ragannimadu waa iga dhacdee, dhoonbir ma u qaatay
Dhudhub oodan bay iga gashee, dhagac ma jeexjeexay?

....
Waxa ceelka loo sii dhaxaa dhawr cashoo idile
Daruunbaa dhawaansho u xishoo, dhoobo fuuqsada'e
Dhoomaha wax laga tiiriyaa dhoocil xoogsadaye.
Copyright 2000 - 2004  HoygaSuugaanta.com