Casayr Cali Aw Aadan (HJ)

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Taariikh   |
 
Xubeera
Ma dhigmaan
Qalbi adayg
Wadaadyohow
Kunkodaan is dhaamin
Cakuyeey
Tanganiika
 
XUBEERA
Casayr oo ka mid ahaa ciidamadii Ingiriiska oo Xubeera meesha la yidhaahdo jooga ayaa Xabashiyi xoolii kala tagtay dadkii deegaanka. Qayla doon baa u yimi oo yidhi nala dhec markaasaa Casayr  loo yimi iyadoo la og yahay geesinnimadiisa iyo shiishkiisaba. Isagoo 50 nin wata ayuu Geelii la dhacay ka daba tegey amrkii uu soo libeystey ee ay xoolihii soo dhiciyeenna gabaygan buu tirshey;

Annagoo Xubeeriyo fadhina xeebta dhinaceeda
Oo xarun dhisaynnoo arladu, nala xadhaadhaatay
Oo ay xagaa kulul tahoon, xumo ku noolaannay
   
Ood xididdadiyo feedhihii, xadhig na moodayso
Xoolaha aduunyada markii xabashidii qaadday
Xaggaa bariga meel naga ahayd, xaraf ka soo yeedhye

Dar ay xagashu dhiig leedahoo, xiiqsan baa yimiye
Xafiiskii la geeyoo warkii, xayga ka caddaaye
Xawaal-Daarku magacayga, iyo xaashad soo qoraye

Xaggeebuu jiraa yidhi, anoo xaadiroo imiye
Inkastaanu xididkaa lahayn, ama xigaalkiinnu
Nin xishoonayaa kama fadhiyo, Xooma oo dhacane

Xaggee laga qabtaa iyo talaa, lays xulaanjiyaye
Xigtadiyo shawr? nagu kac, iyo xaraka duullaane
Abidkeyba maantay xun tahay, xeebad ma aqaanne

Xaabsaday Lawstaanka iyo xoladki Maadhiine
Xeradii ka soofnoo gadhwade nala xawaareeye
Xigsintii u nimi kaalintay Xula ka qaadeene

Raggay Xuurtu hiigaysey iyo, aragnay xaalkiiye
Xaafadaha meydkii wadhnaa, ruuxi na xanuunye?
Durba qaar xanuun sheegte iyo waan xumaysnahaye

Xasan, iyo Xuseen Maxamed, iyo Xaashi soo hadhe'e
Intay geed xashaadina galeen, xoore qalabkiiye
Ku xariiray labadii indhood, xanaq daraaddiiye

Qorraxdoo xisaabtaa casara, xaalad lays aragye
Xidhadh cadayle soo jiifsadoo, xoog u soo ride'e
Xoor-xoore oo saanaddii ma ay xisaabayne

...Iyadood xiddigahaa cirkiyo, xoo mooddo
Xanfarka iyo qiiqii markuu nagu xijaabnaaday
Xuub nalaga qaadyoo na kace, xaaddi timihiiye

Xuble u soconnay raadkii markaan helay xaqiiqdiiye
Waatuu wadnuu nala xarkagay xiiqdi orodkiiye
Xaakiyo candhuufiba madhoo, xaraqday laabtiiye

Sidii aan Xadiid bira gashaday, ama xuruush hoose?
Meeshay ka xuuf leedahaan, abid xuluushaaye
Xusul ugu gurguurtoo la degey xoon agtooda ahe

Xuruuf shiish la baraybaan ahoon xubin la seegayne
Kolkaan Xayle labadii miskood xaw ku kala gooyey
Waatay sidii xaawaleey, xuguf u yaaceene

Xaddigii ka go'ay waa badnaa lama xisaabayne
Xoorkaan habeenkaa ka dhamay, waan xalaashadaye
Goortaan xaraabii ka imi, la igu soo xoonye

Xaraarkiyo mashxaradday hablii igu xayaadeene
Dar uunbaa xaniyo faan shubaan xal uga hoosayne
Haddaan xaasid jirinoo runtiyo xaqa la sheegaayo

Xallad bay lahayd maalintii xaajadaan falaye
Xariirta iyo Dahabkaan siteen, ku xarragoonaayo
Xabbad baan dhafoorka u dhigee, sooma aan xadine
Copyright 2000 - 2004  HoygaSuugaanta.com