Cabdalle iyo Ina Shuuriyaa, calaf wadaagtaane
Caaqiibadeen kala go'doo, ceebi kuu timiye
Cakuyeey wixii keen is baray, waan cajabaaye

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Taariikh   |
 
Ma dhigmaan
Qalbi adayg
Wadaadyohow
Kunkodaan is dhaamin
Xubeera
Cakuyeey
Tanganiika
 
Casayr Cali Aw Aadan (HJ)

Cakuyeey
Berigii Xamar Ingiriisku qabsaday ayuu Casayr arkay nin qurux badan oo Majeerteen ah markaasuu waydiistey walaashiis oo uu filayey inay tahay mid dheg leh. Baabuur buu raashin ka buuxiyey u u tabaabulshaystay sidii uu reerkaas ula xidid lahaa. Ninkii ay gabadha walaalaha ahaayeen baa xoolihii ku baxeen oo intaan reerba wax la gaadhsiin is mariyey raashinkii. Casayr oo ahaa nin dhaqanka ku adag way u cuntami wayday arrintaasi markaasuu ninkii yidhi timirtiina waa siday kuugu baxday gabadhii walaashaana waa iga celis. Casayr oo tilmaamaya sida gobanimada leh ee uu u geli lahaa gabadha iyo sida uu uga niyad jabay afcaasha ninkaas wuxu yidhi;

   
Codka gabay haddii aan Cabdoow caynka ka abbaaro
Ama aan cibaarada adduun cidhif ka faalleeyo
Oo aan calaacalo rag bay caadadii tahaye

Colka waxan u soo guray inaan cidihi gaadhaaye
Citiqaadka sidan maagganaa iima caaad bixine
Cugtanoo ka guursaan lahaa, Cadar walaashaa'e

Carrisyada Garoowiyo, jirraban, Ceerigii Garacad
Cadduur iyo Nugaal baan lagaa, calan ka soo taage
Cumar oo dhan baan maagganaa, inan ciseeyaaye

Cuurkaad tihiin baan lahaa.....Calaf kuhoosiiys???
Casarka u xeree baan lahaa, sidigta Coomaade
Intaad Moodhi-Kaar camirtoo cayn walba u taartid

Cimri waxan la arag baan lahaa, bixi Casayroow'e
Casaan dahaba baan dhiib lahaa, yaan lagaa cabanne
Caddaan kuma mariinoo Baftadu, waa car-jabaysaaye

Car-i-dhaaf u goo baan lahaa, dhawr cayimadoode
Cambarkiyo, Cunnaabi, iyo Murriyad, Caami iyo Laasin
Cukurrada u geli baan lahaa, cayn ay doontaba'e

Cudbi iyo xariir baan lahaa, Cadan ka soo qaade
Cimrigeed inta nooshahay, ee ciidda soconayso
Cadho yay ku dhicin baan lahaa, canab la mooddiiye

Waxba yaanay adhi noo celcelin, cuudna noo dhiqine
Caarcaartay naagtii miyiga, cunug ku qaaddaaye
Cadceed laguma daayo Qorraxi, cudurki weeyaane

Cirkuba haw ahaadaan lahaa, labada fiid-cawle
Cigallaannu nahay iyo la waa, cir isu qaadkiiye
Cabdalle iyo Ina Shuuriyaa, calaf wadaagtaane ...     (Laba Xammaal)

Haddii aad cunteen kaaradii, tegey calooshaada
Caaqiibadeen kala go'doo, ceebi kuu timiye
Cakuyeey wixii keen is baray, waan cajabaaye
Copyright 2000 - 2004  HoygaSuugaanta.com