H a b b i s

  Ergo Lays

  G  u  u  l

  Rikoodh

  Indha-ride

  & C/Lahi Muuse

  Geelaa ii cesha

  Xamar Seeri

  Ka baadnay

  Xamar Qaayib

  Yaa yidhi?

Maxamuud Jaamac Waal "Max'ud Daallin"
Habar Jeclo Gabayga:  Yaa yidhi?


Maxamuud Jaamac Waal "Daallin

Maxamuud Daallin, Alle ha u naxariistee, oo cimrigiisu boqolka in badan kor maray ayaa qiirooday mar uu arkay sida raggii hore ee Habar Jeclo geedlabka u ahaayeen iyo jiilal danbe oo uu saluugay. Maxamuud Jaamac oo geeryooday 1990kii, wuxuu ka qayb galay gulufyo badan oo qaarkood lagu saaray Daraawiish, Dhabayaco iyo Maxamuud Cali Shire. Wuxuu gocanayaa rag uu hebel iyo hebel u garanayo oo uu la dagaal galay waxa ay galaan iyo waxa ay gudaanna uu yiqiin iyo firkoodii oo habacsanaan weyn uu ka dareemay.

Nimankii Daraawiish gaday, ee geliyey Maadhiinka
Gobo'Gobo iyo Dheelliya raggii, kaga gariirsiiyey
Nimankii Ilkacad geyllamay, ee Gobannimuu eexday.

Galabtii Dagaareed wixii geesi, diriraayey
Nimankii Xubeerana galee, gabasyaduu qaaday
Garaadkii Shan-walo wiilashii gacanta naafeeyey.

Raggii guutadii Caamir Shiikh, gaagyar kaga reebay
Gammaankii wadaadkii raggii, gaaddadaw laliyey
Nimankii Xargaga Nuur Dhalbaas, guduriguu loogey
Gondadhiigle nimankii hadh galay, weerarkii geliyey

Nimankii Cadduun geelal badan, kaga galaayuusay
Garaad Faarax nimankii Goldheer, gebagebaynaayey
Nin kastoo is gaafaba raggii, gooyey muruqiisa
Yaa yidhi rag aan garanayaa gocondhadaa reebay

 

  Habbis

  Amaanta Faras

  Ammaan Faras 2

  Indharide

  Ammaan Geela

  Riwaayad iga...

  Ammaan Awr

  More

 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com