|
|
 |
|
 |
| |
Faarax
Nuur
Gabaygan wuxu abwaanku ugu caqli celinayey laba Qabiil oo
Isaaq ah oo is afgaran waa ka dhex dhashay oo dagaal isugu
qalab qaatay. |
| |
Anaa mudan anaa midho,
ku dheer lay hormarinaayo
Waxa manaamuhu uu ka dhacay, maalintii hore eh
Waxyar oo la maarayn karaa, madhiyey iiddoore
Mid mataanta law duubantahay, oo meel kaciwaayey
Magligaa dushiisa ah intuu, kor mirdhaabaayo
Naftu way macaantahay, intaan lays mahoobbiyine
Allow yaa rag waxa uu, maldahay maanta garansiiya
Immikaan waxba idin, maqnayn labadii meeloodee?
Koluun bay masuubadu, dhacdaa maanta kala hoyda
CODSI: Fadlan Gabaydii Faarax nuur waxaad ka hayso ii soo tebi,
siiba kuwan hoos ku qoran.
1.
Lix halkaa ku joogtaan dagaal laabta
ka ogaada
Luquntana haddii laydin jaro lugaha meermeersha
Laqantooyo kaagama dartee laliya duulaanka
Laarrigana ha daynina wixii lumaya yeelkiiye
2.
Kun la dirira idinkoo konton ah
weydun kaafiye'e
3.
Namiimiyuhu warkuu sheegayaa nacas
run moodaaye
Ana nadartu wixii aan arkaan nacam idhaahdaa.
Nin ku xiga naxliga kuu galaa nudayga kaa gooye
Nugaalna an tagee reer Xirsow nacay agtiinniiye
4.
Haddaan Arab waxaa yeela iyo waano
kala quustay
Sow inaan dantay waarriyaa igu wanaag maahan
5.
Aduun waa waano iyo Haashimaw wariyo
sheegsheege
Arabna sidaan ka weynahay ayaan wax ugu sheegaaye
Hadaan Arab waxaa yeela iyo waano kala quustay
Sow inan danatay waarriyaa igu wanaag maaha
6.
Waraabaha candherley
ka Cayn geela kulaayiyo
Ka Carmaale dushiisa
Arab kiisa cunaaba
isaga weysugu cayn.
|
|
|
|
 |
|
 |
|