Q  O  R  A  A  L

  Kala-gooye

  & Qawdhan 1

  & Qawdhan2

  G u h a a n

  Dabkaan Shidi

  Saakimi waayo

  Waa Duni

  Gabayo googoos

  Ha la ba'o

  Afar Nin

  More

Kalagooye
Faarax Nuur (1855 - 1930 ) Arab

Gabaygan qiimaha leh wuxuu Faarax Nuur (IHUN) ka tirshey madal loo waabay in lagu heshiisiiyo Ciidagale iyo Arab. Abwaanku wuxuu dareemay in aan arrintu nabad doon ahayn ee ay tahay dhagar lala damacsan yahay isaga iyo qabiilkiisaba markaasuu dhayda ka caddaynayaa inuu nin la qiyaameeyo ka weyn yahay. Gabayga waxa ku jira murti badan oo halhays ka noqotay geyiga Soomaalidu degto.

Nimuu qaamudkiisii galoo, qalinka loo duugay
Jeeruu qarfooluhu nin weyn, qadada wedaarsho
Waa qaafil jeer ay indhuu, qac u yidhaahdaane
Qabkii weli ma deyn Ciise Dhamal, laysku qoonsadaye
Waa waxay qarqoor leeyihiin, waxaan qoyaamayne
Haddaan nabadda loo wada qasdiyin, wayska qiil jabane
Waataa ragii qoommanaa, qaar xabaal yahaye
Goormaad run uga qaadateen, qaan yaraa dirirku.

Qalbi hadalka lagu laankidaan, qaar ka saamiciye
Waa lagu qiyaamaynayaa, Arabka qaarow 'e
Bal qilaafka daya geeddigaa, idin qaddaacaaya
Qayrada xagee lagu wadaa, Qadow ka meeraysa
Qaandhaawahoodii maxaa, qoriga loo siistay
Qaalmaha rasaatii maxaa logu wada quudhay.

Qosol been ah, fool wada qayaxan, qiil aan garanaayo
Booraan afkii laga qafilay, qabarna hooseeyo
Qunsur oodan shabag laysu qubay, qoolad iyo xeelad
Qullaab iyo kullaab iyo lacaab, laysu qarinaayo
Qiyaamada kobtaa daahira, aan qun ugu soo jeedo
Doqon baa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane
Maanaa miniyo lay qarshaa laygu qali doono.

Qaafada Ismaaciil Jibriil, qoonka Sacad Muuse
Awalkaannu qaadhanka guud, qayb wadaag noqonne
Qaaliga Albaasaan ka dhigi, qaadhka naylaha'e
Qajajuu ha dilo geelayaga, qululka dayreede
Qoorriga Afmeer iyo Si'Godan, qodax la'dii Tuurta
Qar waraabe iyo goob intay, karintu qoynaysay

Qool Caday iyo Laandheer halkay, qun uga soofaysay
Ka qammaadnay goolkiyo wankii, qarada weynaaye
Qolqolkaan isaga muuqaniyo qayd la wada ooto.

Qadhiidhka iyo daankaanu nahay, qaranka Guuleede
Inaan haatan kala qaadanaa, Qaadir soo rogaye
Qatadeenii kala laasanay, iyo qulubki shaydaane
Waaryaadha kala quusanaye qoomamo la'aada
.



 

M  A  Q  A  L

  Kala-gooye

  & Qawdhan 1

  & Qawdhan2

  G u h a a n

  Dabkaan Shidi

  Saakimi waayo

  Waa Duni

  Gabayo googoos

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com