|   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |

 
Ridada Ciidagale
Ilmihii Fircoon
Dhurwaale
Itaal dirir
Naftii Hafar
Innagaa qummane
Qawdhan& Farah I
Qawdhan& Farah II
 










 
 
 
Qawdhan Ducaale

Ninka Xarbi Dheere la odhan jirey ee reer Dalal (Ogaadeen) ayaa dhawr goor ka gabyey dagaalkii Dhurwaale ee Ciidagalaha Ugaadeenku ku jebiyey. Gabayo dhawr ah ayay is weydaarsadeen Xarbi iyo Ismaciil Xayd "Aflow". Gabayadaas oo aan na soo gaarin ayaa mid ka mid ah Xarbi Dheere ku caytamay isagoo yidhi "Sheekh Isaxaaq" ma ahayn nin meel la yaqaan ka dhashay.
Ayadoo gabaygaasi furan yahay ayaa niman badan oo Ogaadeen ah la galaaftay markaasuu Qawdhan Ducaale gabaygan soo socda tiriyey. Gabayga oo aannay intiisa danbe i soo gaadhin wuxu Qawdhan ku weerarayaa nasabka Xarbi iyo qolada uu ka dhashay ee Daarood isagoo uga sii gudbaya faallaynta sidii loo jebiyey beelihii Ogaadeen ee utuntu jiiftey;
 
 

Sidii Mayl akhbaartuu ku yimi, lagu ogaanaayo
Ama Geel aroora oo saq-dhexe, oodda kala jeexay
Ama geesh ilaalo u timi, oo idil ku guuraaya

Axmedoow ayaantii xalay, baa layla oogsadaye
Waxa iman amuurtii horiyo, eelka dhici doona
Ummusha iyo Ugaadeenba waa, wada illaawaane

Labaduba sidii loo arkay, bay u il gadnaayeene
Kolba aniga oo aamusay, buu alifyo keenaaye
Bal ogoow ikhyaareey Xarbi baan, iil ku ridayaaye

Eray waxan u naqay waa halkaad, niman ku aanaysay
Annagay awoow noo ahayd, awliyada qaare
Aw Yuusuf baa noo muddo ah, iidda loo kaca'e

Goortuu ishaaray baa Qudbiga, ururku joogaaye
Adna reer Wardheeriyo jin baa, kuu agaasimane
Ilmihii Fircoon baad ahayd, ubadki Qaaruune

Kitaabbada la eegiyo warkii, Aadan laga keenay
Eedaanka waati aad Bilaal, ka anfariirteene
Arladii Xajkii uma dhawid, oo eegi lagu saarye

Lagaa ood udgoonkiyo dhulkuu, eegay nebegiiye (NNKH)
Ashahaadda noo raatubaad, idinku diiddeene
iimaanka waati aad sidii Ey, ka cararteene

Addunkiinna dhacan baa Sekeda, laga eryaayaaye
Afka Qaaba-Qawseyn halkii, laysu iman doono
Ashahaadda maadaaba qira, lagu ammaan doonto

Ma alkumay Irdaha gabayga, waan kala aqaannaaye
Onkod Heego-dhacay waa biyaha, idibilkeediiye
Waa aydintaan marin jiree, eray kalaan baanay

Haaruun ardaayada ka dumay, sooma oriyaane
Adhi jabay ragoodii ka daran, aarka noo galaye
Alka Duudda, ilimmii Dheryaa, aballaxii yaalle

Xirsibay indhaha kala heleen, ulayar Maadhiine
Soofihii aroos maagganaa, aakhiruu tegaye
Axmed dhimey agoontiinaway, alamba'aysaaye

Haddaanaan itaal dirir ahayn, amase eedbaaska
Anba waan u urugoon lahaa, inanki dheeraaye
Ilma Xiireybay eeda malag, oofta kaga taalle
Wallee aabbahoodaan ka kicin, adhaxda guudkeeda

Ma unkamay irdaha gabayga waan kala aqaannaaye
Onkor heega-dhacay waa biyaha, idibilkiisiiye
Waa ayddintaan marin jiree, eray kalaan baanay

Lama arag iyaga reer Dhegood, Udanna daaduunye
Waxa reer Garaad loo ajalay, waa af-xumadiiye
Sida adhi jarkii lagu maroo, oonna la hayaamay

Ama oori furantoo rugtii, ku ag wareegeysa
Ama Carab amaahdii mid kale, ku ashkateyneysa
Imminkay intii Muummin Cali, udullubaysaaye

Ismaaciil Jiciir, Shiil Aflow, Aammin iyo Daahir
Ableydii boqnaha kaga dhacduu, Aadan qoonsadaye
Lama aasin oogadana way, ka arradnaayeene
Adigiyo ilmaadeerradaa, kula ardaa jooga
Ifka waw dil, aakhirona waw ololki naareede

Ma unkamay irdaha gabayga waan kala aqaannaaye
Onkor heega-dhacay waa biyaha, idibilkiisiiye
Waa ayddintaan marin jiree, eray kalaan baanay

Ninkii shaalka aanaysan jirey, ubaxa dheeraada
Uunsiga waraabuhu ku cunay, wawga soo uraye
Isagana aboorkaa madhsaday, adarki weeyaane

Ma ogtahay Abiib waxa qabsaday, arayuhuu waayey
Iyana reer Wajaalaa sidii, aara loo jaraye
Carabiyo Gureysiyo Salaan, udurrucii haystey

Asay dhiigle waatay kabaha ku illanaayeene
Arwaaxuu ahaa Halaq Miraa, loo unuun jaray'e
Eedaadka reer Dhicisowbaa, aana kuu xigaye

Ilma Laag haddaan lagu arkayn, waa am taladoode
Waa oohintii Timiro-dheer, awga baxayaaye
Maantana miyaan ololiyaa, shooladda agtaada

Sowtii ab gaadhee dagaal, loo irkaday maaha
Sowtii Ugaas Kooshiniyo, aw la dilay maaha
Sawkii u awrkuna waddada, aad u jaray maaha

Sowtii ilwaad quruxsaneey, Eero timi maaha
Awaaraha markii lagu lallabay, Aammin xeradeeda
Waataad sidii igadh la tolay, na oggolaateene.

 

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com