|   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |

 
Ridada Ciidagale
Ilmihii Fircoon
Dhurwaale
Itaal dirir
Naftii Hafar
Innagaa qummane
Qawdhan& Farah I
Qawdhan& Farah II
 











 
 
 

Qawdhan Ducaale (Ciidagale)
Qawdhan Ducaale wuxu gabaygan u mariyey Salaan Carrabey. Salaan Carrabey oo gabay ku seetaynaya Ducaale dheere ayaa waa kii lahaa
Gaaladana Siligaw warrama socotadii dheere
Saraakiishu hadal saabuday sayn ku bixisaaye
Salka gabayna Nuur-Dhegacunba saajac ku ahaye
Anna waxan saxeexaa markuu suura-gelayaaye


Qawdhan wuxu ka xanaaqay inuu Salaan ku soo halqabsado Nuur Dhegacun oo walaalkiis ah isagoo is bidaya inuu ka gabay badnaa oo uu Salaan seegay marinkii. Qawdhan oo taa ka xanaaqsan hayeeshee aan wax jawaab ah ka bixin ayaa haddana Muddo dheer ka dib Salaan gabay uu Cali Dhuux u tirshey ku soo daray rag ay ilmaadeer yihiin oo waakii misna lahaa

Kunka ficilka geylama intaan gaadhanka u reebo
Gammuute iyo keliyaa ku filan Gun-iyo-baar-eege


Qawdhan wuxu markaa tirshey gabay uu lee yahay HJ inaad aniga ii qayshataan bay ahayd mar haddaan gabyaaga reerka ahay.
Gabaygu ma dhamma
Axmedoow nin qiimo leh rag waa laga quweeyaaye
Arrinkaan qafilay xaajadaan qoofalka u yeelay
Waxad qabatay meel aan sidii qodayey ceel dheere

Ogaadeenka qaarkii na xigey quuse waa hore'e
Xarbi wuxu la qaar-qaadayaa qiil markaan badaye

Cali Dhuux haddaan loo quturan Qaydarruu imanne
Waayadanba waan qarinayee Qudhacle soo dhaafye
Qoor-Mudhuxyadii Habar jeclona qoobka soo mariye

Qoof yimi Salaanoow ninkii qariyey waa liide
Mar haddii qardoofo iyo gabay la idin quulquulay
Inaad aniga ii qayshataan waydin qabataaye

Daarood qallooc iyo dilbaa qaadir noo dhigaye
Innagaa qummane diinta waa lagu qasbaayaaye
Qibladuna xaggeenney jirtaa lagu qiyaasaaye


Qawdhan Ducaale, Eebbe ha u naxariistee, inkastoo uu gabaygan tirshey uu Salaan ku canaanayo, haddana wuxuu ahaa ninka keliya ee Geeridii Salaan Carrabey gabayga ugu calaacalay ee ay erayadiisa ka midka ahaayeen

Sarkaalkii ka dhimay reer Isaaq Saamka hayn jiraye
Waakaa siraadkii baqtiyey sabadi Beereede
Sayruuq Baxaayuu ahaa sulubki dheeraaye
Sariiraha Jannada Eebeheen Saamax haw dhigo'e
Sii'Oogu waa ani, hadduu siibtay Janankiiye

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com