|   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |

 
Ridada Ciidagale
Ilmihii Fircoon
Dhurwaale
Itaal dirir
Naftii Hafar
Innagaa qummane
Qawdhan& Farah I
Qawdhan& Farah II
 










 
 
 
Geela

Qawdhan Ducaale, (Idagale)


Gabaygan wuxuu abwaanku ku sifaynayaa geel ay soo dhaceen. Geel dhicistu ma dhicin laakiin abwaanku wuxu si habsami leh oo murti xanbaarsan u metelayaa sidii ay geel u soo meersadeen. Qawdhan Ducaale oo ka mid ahaa abwaanada dalkeenna kuwa ugu waaweyn, nasiib darro iima suuragelin inaan gabayo badan ka helo siiba kuwo uu kaga qayb galay GUBA.
Wuxu Yidhi Qawdhan Duale, Alla ha u naxariistee;
  Hiirtii intaan rag u Iallabay guluf u heensaynay
Caanaha sibraar loo hubsaday heetis kaga maalay
Hadhka lama galee maalintaa socod ku haasawnay

Habeenkii halkii laga degey hugun la gaagaabi
Kolkay dhaxanta wada hiifayeen hadal u diirdiirshey
Hiyigaan ka soo bixitinnee hore u kooraynay

Kolkii waagu noo halalac yidhi halabsannoo fuullay
Hardafkaan ku liibaani jirey haawiska u qabannay
Abbaanduulihii lagu hodmiyo hibada wiil saarray

Haawayda dooyada markaa laba horraysiinnay
Qorraxdoo dhan heelkeedu maray halab la qooraansey
Higta weerar sida hoorimaad hiririgtii yeedhay

Hanfafkeeda lama raajiyee heego soo dadabnay
Hirrigtey garbaha kaga dhufteen hadaw ka buubaashay
Darmaankaan jaraha ku habbanayn hadimadii leexay

Sengihii la haantoobin jirey hudahudee yeela
Kii naga hor joogsaday markaa nags hareer weecay
Anoy faraska niman ii hayaan ku hantay gaashaanka

Labo waran Habeed iyo sar iyo hayle kala boodey
Maro dhiiggu hooban cas yahay haydhafyada siiyey
Heemaashigii quudan jirey hilib ka googoosay

Hayaay iyo hayaay loogu gee nimankii hoynaayey
Fardahay ku hawshoon jireen hebello soo fuule
Kolkay heel bannaan naga arkeen nalagu soo hoori

Raggii heegi jirey baan nahee hootada u rogannay
Walhadoo habeenno qatanaa nadi ku haareeyey
Hankabakaabsiguu ila dhex galay waa halkaan baraye

Darmaankaan halkaa kagala hadhay daba hashlee kayga
Nin hal gaaban baa lagu murmaa halakadaw jiidey
Waa hibo Allee raacdadii hal iyo baar geyney

Waddaday dabayluhu rifeen ka hawo geeraaray
Sidii niman hayaansaday markaa daba humbaalayney
Maraqii horaaddada ka dhacay hadaw ku laafyootay

Dhallinyaradu hawdkaa ka badan haatan soo kacaye
Hase yeeshee anay igu hirtaan heyda dirireede

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com