|   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |


Ridada Ciidagale
Ilmihii Fircoon
Dhurwaale
Itaal dirir
Naftii Hafar
Innagaa qummane
Qawdhan& Farah I
Qawdhan& Farah II
 
 









 
 
 
Dirirtii Dhurwaale

Qawdhan

Dagaal seben hore ka dhacay meesha la yidhaahdo DHURWAALE oo Ciidagale Galbeed iyo Beelo Ogaadeen ahi ku hardameen ayaa Hayb ka mid ah Ciidagale rag badan laga laayey. Qawdhan Ducaale wuxu tiriyey gabay calaacal isagoo sheegaya in dagaalka looga baxay. Dagaalkaa waxa kaloo ka gabyey rag ay ka mid ahaayeen XARBI (Ogaden).
Wuxuu yidhi Qawdhan Duacaale (Alla Ha u naxariiste);

  Waayadanba Dhuu baan xidhay oo dheg uma noolayne
Anuunbaa dhabriiraye ragi waa dhalasho raacaaye
Maan gabay dharaarta iyo dayaxa dhayda ka cadeeyo
Abtirsiimo lama dhumiyee dhamacda maan oogo
Maan dhamaan Isaq kula dhex dhaco waa dhambaal culuse
Dhalinyarada reer Nuux col waa looga dhaar maraye

Dhaxal eego mooyee ma laha dhirannaan ficile
Hadu dhirranaa reer Shirdoon naga dhawaafeeye
Ina Buux haduu nagu dhawyahay naguma dhawreene

Dhamalqaylo nimanka u dhashayiyo dhirif Makaahiile
Reer Samatar waa dhacan yahay oo dhiigse laga waaye
Waxa dhaboolaqa lagu teediyaa dhiisha ceebta ahe

Dhuxdhuxlaynta reer Fiqi Cigaal haygu dhiriyeene
Goortay dhafoorada jabshaan haw dhiseene aqale
Dhabbaan ku hadlayaa reer Baniin dhididi maayaane

Waadhidii dhextaal iyo bankii Dhedibba loo diidye
Meeshiyo dhallaannimo col baan Dhuungalaw xigaye
Dhakhsaan uga gigilanoo anakaa dhiifin cadawgaase

Aarab wuxu ku dhaantaynayaa dhaawaca nagu yaalle
Dhacamuhuba ways tiiriyaan dhawrta celiyaaye
Dhiigii Dammuun buu Sammane soo dhufanayaane

Idinkuba dharaartii Ballaadh waydun dheregteene
Waataydun dheeraadka iyo dhicirta layseene
Dhanka Bari haddaannaan degeyn maydun dhaqateene
Maantana miduun ugu dhaqsada dhibiya ehelkeede

Habar Yoonis Dhudaheeda badan waysu dhawnahaye
Nin walaalkii soo dhinac dagoo dhiirran baan ahaye
Isaxaaqna dheeraadku waa xeerki noo dhacaye

Ugaadh Cumar dhawaaqaan u diray dhoobey warankiiye
Muuse Cabadallii dheen fadhiyay waa kan dhiidhiyaye
Dhirta Maydhisaar meesha iyo dhinaca Buhoodle

Dhar casti Laan-Mullaaxiyo raggaan dhawrayaa imane
Kol haddii dhawaaqa iyo dilkiyo dhagartu weynaato
Oo ficilku dhegahooda galo way ka dhididaane

Kama dhawrsadaan abid hadii uu dagaal dhaco'e
Dhiigyacabbadii Habar-Jeclaa dhaanka soo rarane
Dhulbuteeye waan galin hadaan dhiman Xigaalkay'e

Eray kalana waa Ciidagale midan ku dheereeyey
Sheekh Yuusuf waa laga dhabqay ee dhab u siyaareeya
Culimada wankii dhaban leh iyo dhebi-cadkaw sooca

Dhooriyo sidii Keenadiid dhiiga soo celiya
Oo geeri waa loo dhashee dhixirka uun diida
Ka dhegeysan maynee fulaha dhoosha ka adkaysta
Dhulkana waa la kala boobayaaye udubka dheereeya

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com