|   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |

 
Ridada Ciidagale
Ilmihii Fircoon
Dhurwaale
Itaal dirir
Naftii Hafar
Innagaa qummane
Qawdhan& Farah I
Qawdhan& Farah II










 
 
 
Riddada C/Gale

Qawdhan Ducaale, (Ciidagale)


Iyadoo dagaalkii DHURWAALE ogaadeen libtiisii hayo Ciidagalena is urursaday ayaa Ogaadeen soo rogaal cesheen oo weerar soo qaadeen. Meesha la Yidhaahdo DHERIYO ayaa dagaal labadaa reer ku dhex maray libtuna laba kama wada qoslisee maalintaas waxaa calankii qaatay Ciidagale. Dhawr nin oo laga qabtay dhinaca Ogaadeen (Jilibbo Ogaaden ah) ayaa sheegtay qabiilo kale. Qawdhan Ducaale oo dagaalka hore ka gabyey tolkiisna guubabiyey ayaa warkii loo sheegay isagoo Jigjiga jooga ka dibna wuxuu mariyey gabaygan qiimaha badan oo gabayda xarafka "R" ku socda ugu xeeldheer.
Wuxu yidhi Qawdhan (Alla ha u naxariistee);
  Warka xalayto sida roob Gudgude raradu noo keentay
Ee Taarka nagu soo riday ee noo rafaqay uunku
Ma runbaa Cismaanaw adduun raasamaal malehe

Rigta Boodhley raarida Burcada rabadintii Tuurta
Iyadoo sidii Raybad shiray Rigo la hoos joogo
Oo ay ratiga qoodha iyo rimaydu laacayso

Rubboo fool ah Raaxoo dhashay iyo rogoblihii goolka
Qaalimaha ragaadkii qarsaday ee raanta kala jeexay
Ayadoo markaa laga rawaxay Raari xeradeeda

Aroortaas sidii raashininkii raray Ogaadeene
Carabtaba risiqa doonayahaa loogu soo rogaye
Taayaduna waa Raydab iyo ramadka maandeeqe

Sida faradka nagu raatibaan ugu rafaadnaaye
Rucle oradka mariqii markay Radi ku laafyootay
Ee reer Mataanow lahayd rimay la qaadaayay

Rabi waaxida loo cuskaday iyo Rasuulkiiye
Wax rasaasta loo jiidhay waa ololkii Raaxayse

DanWadaago kama raagin shalay raacdadii Bile'e
Maantana riyii soo hadhay ribix u laayeene
Kolkii horoba waa kii ruqsaday raatubtii boqore

Ina Jaamacii reebi jiray raxan miyuu la'yahay
Aafartaas waa reedhi niman loo rakaabsadaye
Sidii raage layguma qabtee rubuc kalaan baanay

Ragbaa yidhi riddada Ciidagale ruuxna dili mayso
Ragbaa yidhi rogaaliyo coliyo raacda kuma laabna
Ragbaa yidhi sidii loo riqriqay raran miyay oogi

Ragbaa yidhi ramaaskii Afmeer reer la furi maayo
Rawaxii dharyaha Tuurta iyo Rabadinkii qoolka
Raqda taal rabaallada qudhmayee rer la furi waayey

Iyo meydka Roosa u dhacay ee rayski laga yaacay
Idinkaa rafiiq iyo ahaa raalliyoo kale'e
Reer Nuuxba wuu naga naxaye waad riqriqateene

Waataad rugaha Fiqi Cigaal ramash lahaydeene
Lafta Raaran reer Samataraw ruuga madaxeeda

Afartaasi waa reedhi niman loo rakaabasadaye
sidii Raage layguma qabtee rubuc kalaan baanay

Xarboow faanku waa ribo denbi leh runina waa taase
Rayid waxad ka yaacdeen markii laysku riiqsadayo'e
Waligii ragi ways dili jiray ee riximki dheeraaday
Sawtii u reer DhagoYariyo ruux Midgo ah sheegtay

Ramaas iyo marbaa geedcadeey rudhiba waydaane
Ratigiina waa noo diyaar raadka hayn jiraye
Rabbasaw ballana guutadii reedhiga ahayde
Raanbuusi maad noqon Jigjiga rubucyo loo miiso

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com