Q O R A A L

 Qardhasa cadde

Naqwi gabay

  G u h a a n

Q u f r a a n

Majeerteen1

Majeerteen2

Maal an lee yahay

Saalax & Sugulle

Saalax & Sugulle

  Allahayoow

 

Saalax Maxamed Yare & Sugulle Maxamed Yare
HY - Sacad Yoonis  

Somali Poetry


Saalax Lay-Diray & Sugulle Maxamed


Saalax & Sugulle waxay ahaayeen laba nin oo walaalo ah oo labaduba ahaa abwaanno waaweyn. Saalax ayaa beri u socdaalay Habar Yoonis Galbeed wuxuuna la kulmay qabiil rag iyo maalba ka hodan ah dhul baro-san ahna yaal. Saalax wuxuu deegaannadii uu tegey kala kulmay soo dhaweyn weyn. Saalax markuu ku soo laabtay Koonfurta Sanaag oo reerkooda deegaan u ahayd ayuu walaalkii Sugulle uga warramay tol-weynaha uu soo arkay isagoo jeclaystay in beeshiisa Sacad Yoonis u guurto dhulkaas uu soo arkay. Sugulle aad buu ula yaabay Saalax wuxuuna fekerkiisa arrintuu Saalax la yimi ku cabbiray tixdan aan dhamaystirnayn

Sacad Yoonis Eexiyo u guur, ila nugaaleede
Amar-weynta Tuurwaa bari, bay ka ololaysaaye
Abtinnimo kuwii noo xigee, la is adeecaayey
Waxay ooshi Maxamuud jirtaa, eegga Karamaan e
Gadhka igu aloolmiyo cirrada, ubaxa aad mooddo
Abkay aadankay waxanan noqon, inan-layaal reere
Deeqdiyo ammaantoo guryaha, noogu imanaysa
Annagoo Isaaq ugu il-roon, ool ha noo celine
Arli loo hiloobiyo tigaad, nooma soo arage
Af-macaanidii bay galbeed, kugu aduufeene
Waxan Saalaxow ku irbayaa, waa ibleysnimo e
Abda malaha meeshaad tuldaha, kula ordaysaaye
Iimaanso??ooddii yar baa aaran jebiyaaye!


 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com