Q O R A A L

 Qardhasa cadde

Naqwi gabay

  G u h a a n

Q u f r a a n

Majeerteen1

Majeerteen2

Maal an lee yahay

Saalax & Sugulle

Saalax & Sugulle

  Allahayoow

 Saalax Maxamed & Sugulle Maxamed

   

Somali Poetry


Saalax Maxamed & Sugulle Maxamed

Saalax Lay-Diray iyo Sugulle waxay ahaayeen laba abwaan oo waaweyn oo walaalo ahaa. Saalax baa caansanaa laakiin Sugulle wuxuu ahaa nin aad u midho waaweyn.

Saalax Lay-Diray oo magaalo iyo miyi u dhaxayn jirey ayaa beri ka socdaalay ooshii oo abaar xun hayso geeliina caato la socon waayey. Cadan markuu waayo joogay ayuu soo laabtay carrigii oo barwaaqo ah oo geelii dhalay caanihiisa la daadiyo. Saalax markuu geela quruxdiisii ka yaabay ayaa laga sheegay inuu yidhi geelaba waan iibinayaa. Sugulle ayaa arrinkaas ka dhirfay oo yidhi:

Afarteeda dhaadheer markuu, dhuuxu ka idlaaday
Dharaariyo dharaar goortaan biyaha, ugu dhawaaqaayey
Meeshii dhalaal lehba markaan, kor ugu dheelmaayey
Ay dhabarro qaansa ah lahayd, dhoof adaa tegaye
Markii dhibic Ilaahay shubee, dhul u barwaaqoobey
Oo ay candhada dhaamisoo, dhayda laga maalay
Oo kurusku dhoor yeeshaybaad, noo dhawaan timiye
Bal dhadhami qadhaadh iyo macaan, kuu dhadhamo xoorku
Kana dhereg Ilaah iyo ragbaa, meesha kuu dhigay 'e.
Dharaarahaba waataad lahayd, dhoor an iibsadoe
Hadduu awr dhufaan ihi ku jiro, kuma dhasiigeene
Dheddig baa la lacagaynayaa dhawrso haw noqone!


Saalax is difaac buu galay isagoo leh inaan isagaba geela hawshiisu ku yarayn ee dhega-hadalka badan laga dhaafo wuxuuna yidhi;

Waa waxan dhulka u meerayaa, dhogoryaroow geele
Waa waxa sidaan dhalay buntukha, ugu dhabuucnaaye
Waa waxan dhexdayda ugu xidhay, dhamacda baaruud e
Waa waxan rasaasta ugu dhigay, labada dhaayoode
Dhulkaan maray dharaarii horaad, dhiman lahaydeene
Dhib ma arage dharabkaad sidii, dhaylo huruddeene
Dhiilkii adoogeen dhaqaad, weli dhamayseene
Ninna yuu wax dhiba ii lahaan tii Allaa dhigane.



 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com