Saalax laydiray oo
qiyaastii noolaa 1890-1950kii, waxa magaca "Laydiray" loogu bixiyay
gabay badnaanta iyo kelmaddaas oo ka mid ahayd gabay uu tirshey ka dib
markii niman yidhaahdeen Saalaxow gabaygan badan iska daa taas oo uu
jawaab uga dhigay "Maxaan gabayga daayaa waaba laydiraye". Wuxuu ahaa
abwaan qoto dheer oo caanbax ku ahaa gabayada gole-ka-fuulka ah oo inta
badan beyd-gaabyadu ka gabbadaan. Gabayga naga sax, soona dhammee.
Maydh, Xiis, magaalada
Xarshaw, maakhir gudaheeda
Malkada saaxil laga soo galiyo, Awdal midigteeda
Meeshiyo Ogaadeen dagmada, laysu wada muujay
Minjo yaa na leeg duni, haddii laysu midho sheegto
Mataanaha Burciyo ceelku waa, lagama maarmaane
Gobanimada moodkeedu waa moos? nin loo yidhiye
Ayaa midigta nala dhaafay ee idinku maamuusay.
Warsangaliga maaraha sitee, nabad la mooodaayo
Dhulbahantaha musiibada qabiyo, Muuse la is eedye
Muranka Isaaq simanyihiyo, maadda suuqyade'e
Meel adag haddaanan ka dhalan, lama maqnaadeene
Muruqiina kuma haysateen, maalin galinkeede
War hooy noogu mahadnaqa geelashaas, nalagu maalaayo.