Q O R A A L

 Qardhasa cadde

Naqwi gabay

  G u h a a n

Q u f r a a n

Majeerteen1

Majeerteen2

Maal an lee yahay

Saalax & Sugulle

Saalax & Sugulle

  Allahayoow

 

Saalax Max'd Yare ( Salax Malaydiray)

HY - Sacad Yonis  

Somali Poetry

Gabyaagii weynaa ee Saalax Ma Laydiray ayaa reer u yimi markaasuu gabadh guriga joogtay biyo weydiistay. Niman guriga joogay ayaa warsaday qolada uu yahay markaasuu gabaygan uu isaga iyo tolkiisba ku sifaynayo jawaab uga dhigay raggii;

Qoladayda ninkii doonayow, qaali baan ahaye
Qardhaasa cadde Sacad Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye
Qacda waaga nimankii Berbera, qoomay baan ahaye

Ingiriiska nimankii qabtey, ee qaawiyaan ahaye
Qasnadiha iyo rakuubkii raggii, qaybsadaan ahaye
Hadaannu isu soo qaadanona, naguma qaybaanee
Qadaad tiirintooda ha arkinee qaado hadalkayga.


Mar kalena waakii lahaa Saalax laydiray

Waxan ahay Ardooy nimaanka degaa Ila Nugaalede
Waxan ahay Ardada shiikhu dhalay kooda aadka ahe
Waxan ahay Ismaaciil Caare iyo Uruurta waawayne
Waxan ahay ab lama haybsadee oosha reer Sacade.

Intan yarna bal soo dhammee gabayga ay ku jirtey adiga oo mahadsan:

Allahayoow muxuu ferenjigii nacas fariideeyey
Nin aan aabbihiis fuuli jirin faras muxuu saaray.

 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com