|
Q O R A A L
Again
HY
Qardhasa
cadde
Naqwi gabay
G u h a a n
Q u f r a a n

|
Gabaygan sidaan filayno wuxuu ku jeeday Maxamed Nuur Fadal oo ay aad
isugu gabyeen iskamase hubno.
1. Nasli gabay hadduu leeyihiyo, naafac laga dhawro
2. Naxwihiisa anigaa bartay, iyo kiisa nuurka lehe
3. Nahnahlaha waqay uma tirshiyo, naytidaan garanne
4. Niyada jookha maantuu galee, naafku guri joogo............
5. Noociisu wuxu gaadhayaa, nudubta feedhaa'e
6. Niishaanka ruuxaan la helo, naarigaa dili'e
7. Naafada danbeetuu sidii nabar kacdoomaaye.
8. Raguunbaa wax nuunnaynayaan, nooli ku hadlayne
9. Anse kayga nadarkaad ka garan, naahiduu yahaye
10. Ni baryadi, Naf la calaacalkiyo, naago ku ammaanka
11. Niyadayda waxay daarranyiin nuqul sideediiye.
12. Waxan dhab ugu nuuxnuuxsadaa, naam qabiiliga'e
13. Nuxnuxdiyo naxliga beenahiyo, naqalka shaydaanka
14. Naanuushuhu warkuu keenayuu, nacasku raacaaye
15. Nu'da hadalka naafaca dibnaha, nuudka dhegihiinna
16. Anna nadartu waxan soo arkaan nacam idhaahdaaye.
17. Dhulkoo nabada, weedh laysku naco, naahi ma aqaanne
18. Nashwadiyo nasabad sheegadkiyo, nabarradii baane
19. Mar hadduu rag taas igu nekedo ama i niib doono
20. Anna haluu shisheeyuu ka naxo naqay dharaartaase.
21. Dadka waxan is noqonnaa ninkay, neeftu qabataaye
22. Abidkay iskuma sii nabnabo, kaan i naasibine
23. Nin i neceb nasteexiyo wanaag, amase naanayti
24. An waa horeto nidar baan ka naqay nuqunsi mooyaane.
|
M A Q A L
More
More
More

|