|
Q O R A A L
Again
HY
Qardhasa
cadde
Naqwi gabay
G u h a a n
Q u f r a a n


|
Tixdan waxa la sheegaa markuu Saalax tirshey inuu 40 habeen sii noolaa
oo uu xijaabtay. Waa gabay uu kaga hadlayay inuu aakhiro iyo xaalkeed
kaga mashquulay qabiil difaac iyo qooq isla markaana ay la gudboon tahay
inuu naftiisa qool geliyo oo ku soo dabbaalo diinta.
Ashahaadda gaal laga qarshee, loo qayaxay muummin
Kolkaan qayd lahaa iyo markaan, anigu qaan gaadhay
Intii aan qabiillada jinni, iyo qaxar ku daalaayey
Horta maan qudhayda u tabcado qaafil yaan go'ine
Oo maan wuxuun kala qoqobo, qaayiska i saaran
Alla maan qaddeeyoo waxaan qabo ka soo toobo.
Alla maan qaraamii godkiyo qarashki meeleeyo
Oo maan qufraan Eebbahay, qani ah waydiisto
Qiyaamada naftaa igu waddee, qar iga tuuraysa
Alla maan itaanay i qatalin geliyo qoolkeeda.
______________________
Gabaygan waxaan ka helnay cajlad nin abwaanihi wax kaga taabanayo
gabayadii Saalax Laydiray. Cajaladda kuma cadda in Saalax gabayga
tirshey laakiin abwaanka daadihinaya cajladdu wuxuu kan ku xejiyey
gabaygii Saalax uu u tirshey wadaadkii waalnaa ee Ina Cabdulla Xasan
isagoo leh "Mar kalena wuxuu yidhi".
Gabayga soo dhammee soona sug inuu lee yahay Saalax
|
M A Q A L
More
More
More

|