Q O R A A L

 Qardhasa cadde

Naqwi gabay

  G u h a a n

Q u f r a a n

Majeerteen1

Majeerteen2

Maal an lee yahay

Saalax & Sugulle

Saalax & Sugulle

  Allahayoow

 

 

  Saalax Maxamed (Saalax-lay-diray)

HY - Sa'ad Yoonis  

Somali Poetry

Saalax Maxamed Yare oo ku magac dheeraa "Saalax Ma-Lay-Diray" wuxuu ahaa abwaan weyn oo aan dabadii la hadlin. Magaca wuxuu kula baxay ka dib markii rag weydiiyeen "Saalaxow maxaad gabayga u deyn weydey" kaas oo uu kaga jawaabay tix caan noqotay oo uu ku jirey beydka "Maxaan gabay isaga deynayaa waaba lay diray'e".

Tixdan aan dhammaystirnayn wuxuu Abwaanku ku sifaynayaa  sida gabayga Eebbe u mulkisiiyey halka gabayga intiisa danbena uu ku muujinayo cududda tolkiis tiro iyo tayoba.

Macnaha gabay beryahan waanigii, mooge ka ahaaye
Xalaytuu Mayuun iyo ka yimi, Makhiyo shaanshaane
Minawaarro guuraynayiyo, Maylalbaa siday e
Marsaday ka soo daadiyeen, macallimiintiiye
Isagoo madh-kacayaa la dhigay meel an jiifsadaye.

Raggu gabayga waa wada marshaa muulkise i raacye
Marmarkayga iyo feedhuhuu madh uga buuxaaye
Sida mayayga roobkaan xareed, ugaga miisaaye
Hadba waxay ku meermeerayaan, kaan mullaaxsadaye
Miyaa lay martiyi kaasi noqoy maal an lee yahaye.

Maydh iyo magaalada Xarshaw, maakhir gudaheeda
Malkada saaxil laga soo galiyo, Awdal midigteeda
Meeshiyo Ogaadeen dagmada, laysu wada muujay
Minjo yaa na leeg faro haddii, laysu midho sheegto
Mataanaha Burciyo ceelku waa, lagama maarmaane
Gobanimada moodkeedu waa moos? nin loo yidhiye
Ayaa midigta nala dhaafay ee idinku maamuusay.

Warsangaliga maarraha sitee, nabad la mooodaayo
Dhulbahantaha musiibada qabiyo, Muuse la is eedye
Muranka Isaaq simanyihiyo, maadda suuqyade'e
Meel adag haddaanan ka dhalan, lama maqnaadeene
Muruqiina kuma haysateen, maalin galinkeede
War hooy noogu mahadnaqa geelashaas, nalagu maalaayo.



 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com