Reerihii curdeenada lahaa Ciidagale diidye
Cuwaafluhuna waa caaradaa curubta Guuleede
Cadka Boqorka nimankii lahaa calalinmaayaane
Bal cibaaradaa daya nabsiga looma caal helo'e
   
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
Imanmayso HY
Miyaanaan
Cibaaradaa daya
Moqorraysta
Jawaabti Samatar
Gadhka-Yogolka
Hadhuudhle
Dawdar falan
Daarood-ku-Xaar
Jawabti Dhuux
Yawle & Hinnig
Yawle & Hinnig
Keligi maahayn
Maax & Gadiid
Colaad Sokeeye
Ha samrina
Maa la heshiyo
D o o d
Ma magoolo
 










 
 
 

Bal Cibaaradaa daya

Maxamed Aadan Caws "Yawle"

Gabaygan waxay abwaanka isu marsheen nin la odhan jirey Cali Ducaale oo Muuse Carre ahaa wuxuuna ku saabsan yahay colaad laba jilib oo HY ah ka dhex aloosnayd.
Cali Ducaale waxaa gabaygiisa ka mid ahaa

Alamaanka Maax iyo Gadiid hayska iibsadoe
Agoomaha ha leeleeliyeen aabahood lumaye
Inta Yawle waa ubad jinnee gabay aloosaayo
Anna aan ilmaadeeraday maato la ag joogo
Arki maysid laba Muuse oon kala ufoonayne
Axdi aynu kala qaadanniyo aaminkeen dhimaye


Isagoo ka jawaabaya gabaygaas wuxu yidhi Yawle:

Gob la ceejey iyo inangumeed calanwallaynaaya
Carrigay kuwada gaabsadeen caawa saan ahaye
Curshi maleh hadday Aadan Fiqi igu caraadaane
Caynaanshe habar Yoonistuu ciili jirey waaye
Cidna kuma xukumo reer Ammaan cidhifki Tuuyoode
Kulay Cali Siciid tahay ma jiro nimay cashuuraane
Cabdallaha yaryari haatan waa cagacageeyaaye
Carrabaliyo loo diid Ugaadh inay cadaadshaane
Oo Arabba Ceegbuu ku diley curaddo reer Nuure
Bal cawaaqibkaa daya nabsiga looma caal heloe

Reerihii curdeenada lahaa Ciidagale diidye
Cuwaafluhuna waa caaradaa curubta Guuleede
Camaskuna catooshi iyo gool kuma callaalaane
Cadka Boqorka nimankii lahaa calalinmaayaane
Bal cawaaqibkaa daya nabsiga looma caal heloe

Cimraan kama hakado Nuux hadday cod isla dhaafaane
Ma canaanto reer Daahirkii camalka waallaaye
Ciisiyo Xagaabaa la baxay Caaqil goonniyahe
Hadday waayo caabudi jireen haatan caasiye'e
Cuquunkii Ilaahay ka saar caadilka ahaaye
Bal cawaaqibkaa daya nabsiga looma caal helo'e

Axmed Faaraxii caan ahaa cuurka reer maxamed
Cabdillahiyoow waxa beddelay ciir ku naaxyadae
Marba dunida reerbaa camira caydh ahaan jiraye
Cokadaha raggii dhaansan jirey ceegan gurigiiye
Cascaskii riyaha waxa beddelay caano geel dhalaye
Bal cawaaqibkaa daya nabsiga looma caal helo'e

Ilma Aadan Cali kama cabbaan ceelki Qararroode
Colow iyo Kaliilbaa ku furay gobabki cawlaaye
Isagana cidbaa loo diroo Carabna soo guurye
Cabdina wuxu lahaa waa Mataan caaqil loo qodaye
malahay cayimadday wadeen ma calfan doonaane
Bal cawaaqibkaa daya nabsiga looma caal helo

Shirshooroo camiran Khaalidbaa Cayn ku gowracaye
Oo caaradhuub iyo la dhacay cadaw rasaaseede
Bal cawaaqibkaa daya nabsiga looma caal helo'e

 

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com