Hub wanaagsan heensiyo wanaag dirir la haabeeyo
Habar Yoonisbaan uga dhashiyo hurinta waaweyne
Hundaha Ceerigaabiyo Jigjiga hoonka Beledweyne
Intaasaannu Hayboow sidii hodan u joognaaye
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
Imanmayso HY
Miyaanaan
Cibaaradaa daya
Moqorraysta
Jawaabti Samatar
Gadhka-Yogolka
Hadhuudhle
Dawdar falan
Daarood-ku-Xaar
Jawabti Dhuux
Yawle & Hinnig
Yawle & Hinnig
Keligi maahayn
Maax & Gadiid
Colaad Sokeeye
Ha samrina
Maa la heshiyo
D o o d
Ma magoolo
 










 
 
 

Anagiyo Hadhuudhlu

Maxamed Aadan Caws "Yawle" (HY)


Maxamed Aadan Caws oo ka jawaabaya gabaygii Cabdi Gahaydh ee labaad kuna saabsanaa Dilkii ninkii Gadhweyn ee Sacad Muuse loo tirinayey waxaa uu ugu jawaabay Cabdi gahaydh sidan;

Cabdoow hadalka waan garan inaad hiil u leedahaye
Haasaawahaad diideysaa haarta nagu taalle
Waxad waranka ula haadaysaa haybtu waa belo'e

Hub wanaagsan heensiyo wanaag dirir la haabeeyo
Habar Yoonisbaan uga dhashiyo hurinta waaweyne
Hundaha Ceerigaabiyo Jigjiga hoonka Beledweyne

hoosada Burciyo Ayahaas heetis lagu maalo
Intaasaannu Hayboow sidii hodan u joognaaye
Waan heli karaa toban kunoo hiirta weerara'e

Hal nin qalanayaa kuma degdego halaca jiilale
Haldhablaha ma jaro jeeruu haan u dhaansado'e
Halkaan marinlahaabaa Bileys iga hor joogaaye

hagar Aadan iyo Khaalid aan hawd u mari waayey
Cali Gerigan weli ii hingilan hiilki ba Xawaadle
Hunbannida kaleetiyo intaa halaqa Daarood ah

Hubka waxan la rabey reer Hartaan la igu hiifeene
Hindisahase qaabkiyo haddii hadal la deyn waayey
Halka aannu hootada ku ridi waw hubsanaynaaye

Herer inaanu iman waan hubaa waana lays heliye
Annaga iyo Hadhuudhluhu mar ways horoi doonnaaye
habeen qudha ma naga jiifsataa hiilna hay tarine

 

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com