iidoorku Hoobaan dhiraha kama huluusheene
Alayle waxaan lagu hafteen halawga maadhiinka
Huwana waydinkaa dilay siday hibo u saarnayde
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
Imanmayso HY
Miyaanaan
Cibaaradaa daya
Moqorraysta
Jawaabti Samatar
Gadhka-Yogolka
Hadhuudhle
Dawdar falan
Daarood-ku-Xaar
Jawabti Dhuux
Yawle & Hinnig
Yawle & Hinnig
Keligi maahayn
Maax & Gadiid
Colaad Sokeeye
Ha samrina
Maa la heshiyo
D o o d
Ma magoolo
 










 
 
 
Jawaabtii CaliDhuux

Maxamed Aadan Caws "Yawle", (HY)

Daraawiish iyo niman bah Geri ah ayaa weeraray shaxda abbaara 1912 kii. Nimankaas waa la jebshey waxaana ka gabyey Cali DHuux oo gabaygiisa ka mid ahayd
  Shaqfadley Bah Gari waa kuwaa Sheemo waararaye
Sharkuba idin muu taabteen hadaad shalay na dhaaftaane
Cayuun shacab le oo kii lahaa shaah karinaayo
Oo odaygiina xeer ugu shir tagay ma le Shirshooruuye
Daraan idin shiddeenyeenba waa naga shisheeyeene.
Beydka danbe ee gabaygu wuxuu leeyahay Isaaq siiba (HY & HJ) ayaan dhacsadeene maad xagooda noo dhaaftaan.
23 Sano ka dib iyadoo gabaygii Cali Dhuux aan laga jawaabin ayaa Majeerteen (Biciidyahan) galay shaxda iyo geelii dhulbahante Cid ka daba tagtana waa la waayey. Salaan Carabey oo gabayga jawaabtiisa lahaa wuxuu ku maqnaa Cadan. Laba nin oo la kala yidhaado Dhulqas Aadan-Dibi (Cismaan Aaadan) iyo Yawle ayaa ka jawaabay gabaygii. Tixdani waa tii Yawle uga jawaabay tii Cali dhuux marshey 1912kii. Yawle wuxu yidhi Alla ha u naxariistee;
  Warka xalay habeenkoo badh tagay hugufku ii keenay
Heeryada Madheedhka le halkaa iyo hogobka Buhoodle
Ayadoo hagoogane fardaha hadhaca loo waabay

Horweynkii miyaa lagala tagay hiririfkii dayrta
Hayaay iyo hayaay qayladii haan kastaba gaadhay
Heeryada iyo miyaa Awryuhuud haanta lagu boobay

Habeeda iyo saalada waxay haarta jebiyaanba
Iyaga oo habeen sii dhaxshay oo sii hintiqinaaya
Hadhka galay miyaa racdadii hir iska soo moostay

Ma hollanna ma noqonaa miyaa lasku haaraamay
Halkii lagama raacin ee dib bay uga hulleeleene
iidoorku Hoobaan dhiraha kama huluusheene

Alayle waxaan lagu hafteen halawga maadhiinka
Huwana waydinkaa dilay siday hibo u saarnayde
Hagar Adaan iyo Khaalidkaan Hawd u gali waayay

Haawey Majeerteen ka baqe inay humaajaane
Sengayaasha heensaha dunta ah la handaraafaaya
Ee hilawga dooggiyo Galgala Hawka lagu foofshey

Habaaska iyo raacdada hadaan lagu halaagaynin
Ma hilbay ka qalan wayla yaab waxay u haystaane
Maxay se horaro laayeen ku fali hawsha iyo guulka

Afartaa hilaac iyo sidii heego maw curiyay
Cali Garigi noogu hengellaa hiilki Ba Xawaadle
Humbanida dhexeeto iyo intaa halaqa Daaroodka

Markii hilib baruurliyo la cuno halab karuurkeeda
Nimankaad hargoolaha Berbera hadalka moodaysay
Ma hollin ee Majeerteen ka baqe inay humaajaane

 

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com