Hadii aan la heshiinin
Isaaq waa isku heyb
Weysku hooyiyo aabee

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
Imanmayso HY
Miyaanaan
Cibaaradaa daya
Moqorraysta
Jawaabti Samatar
Gadhka-Yogolka
Hadhuudhle
Dawdar falan
Daarood-ku-Xaar
Jawabti Dhuux
Yawle & Hinnig
Yawle & Hinnig
Keligi maahayn
Maax & Gadiid
Colaad Sokeeye
Ha samrina
Maa la heshiyo
D o o d
Ma magoolo
 
 











 
 
Maxamed Aadan Caws
 

Geeraarkan Yawle wuxu tiriyay mar u tagay Ceynaba oo Dhulbahnate iyo reer Cawl mag kala qaadanayeen waa intii aanu dhicin dagaalkii H.J Ceynaba(1920's) ku maroorsadeen, markaas oo colaadu bilwo ahayd ayuu Yawle isagoo ergadaas la socda geeraarkan ka tiriyay goobtaas isagoo Dhulmahante oo Harti soo dagaal galinaaya iyo niman kaloo Daarood ah u digaaya.

Hadii aanan la heshiinin
Oo hagaag loo wada daaqin
Oo anagaa Habar-Waaya iyo
Hartiyeeyda la joojin

Isaaq waa isku heyb
Weysku hooyiyo aabee
Hayeeydaa kordhi doonta
Arabbaa hirka jiidhi
Awalbaa hubka qaadan,
Habar Yoonis galbeediyo
Herer baa iman doonta
Habeen lays miri maayo
Heelka Ceynaba weynbaa
Hadhka laysu badheedhi
Qoluun baa ka hagaagi
Dibadeedna Hawdka dhaxeeto
Ayaa haraad loogu idlaan
Ee talow ma la heshiiyo.


Geeraarkaas ka dib ayuu dagaalkii Ceynaba dhacayaa oo Dhulbahnate laga maroorsanayaa Ceynaba oo Yawle tirinayaa gabaygii "Aleyle Isaaq baa mulkiyey Maaxadi Ceynab'e. Dagaalkaas oo Samatar Baxnaan il iyo xiniin lagag tooganaayo walaalkii Maxamed Baxnaana lagu dilaayo.

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com