Cabdillaahiyoow dhiilahaad culi taqaanniine
Caqligaad ka wada half tihiin sida caruureede
Caadadii adoogaa lahaa waa cad kugu yaalle
Caloola-cadna lay sheeg inuu cararay dhuunjooge
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
Imanmayso HY
Miyaanaan
Cibaaradaa daya
Moqorraysta
Jawaabti Samatar
Gadhka-Yogolka
Hadhuudhle
Dawdar falan
Daarood-ku-Xaar
Jawabti Dhuux
Yawle & Hinnig
Yawle & Hinnig
Keligi maahayn
Maax & Gadiid
Colaad Sokeeye
Ha samrina
Maa la heshiyo
D o o d
Ma magoolo
 










 
 
 
Yawle&Hinnig

Yawle(Muuse Ismail,HY) iyo Cabdullahi Hinig (HJ,R.Daahir)

Yawle iyo Cadillahi hinig oo ka yaraa ayaa dhawr jeer isu gabyey. yawle ayaa yidhi "Cabdilahiyow horta Ragannimadan halkaad kala soo baxday".
markaasaa yawle u gabyayoo yidhi.
  Cabdillaahiyoow dhiilahaad culi taqaanniine
Cinjir Qaylo iyo Faayo iyo cidhifyadaa buurta
Adhi caynta lagu foofiyaad celin taqaanniine
Shan gu'baad rag lama caasiyee calan lahaydeene
Markii Caabbi booy laga dhigaad curub is mooddeene
Caqligaad ka wada half tihiin sida caruureede
Caadadii adoogaa lahaa waa cad kugu yaalle
Caloola-cadna lay sheeg inuu cararay dhuunjooge
Yawle wuxuu ku eedeeyey Cabdillahi in awowgii cararay colaaddii CaloolaCad la baxday ee Daahir Faarax iyo Axmed Faarax(HJ) isku jareen.
Cabdillaahi oo u jawaabaya Yawle ayaa isna tirshey gabay aan ka hayo.
  Dalkaba kuma heshiiyee hadduu diriray reer Faarax
Dooxada agteediyo hadduu daadka ku colloobey
Haddii laydin dilo sowdinkaan diiri jirin maaha
haddii laydin diro sowdinkaan diidi jirin maaha
Dawlisyada Galoolka ah sowdinkii diiran jirey maaha
Doobiga riyaha sowdinkii diiqan jirey maaha
Ma Dawaad cabteen sowdinkii debecsanaa maaha

 


 

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com